Xamse oo bixiyey amar la xiriira degaanada laga saarey Al-Shabaab

Image
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxa uu hadalkan ka sheegay kulan uu la yeeshay madaxda wasaarada tamarta.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo sii wada kulamada la xisaabtanka Wasaaradaha, ayaa maanta su’aalo ku saabsan waxyaabaha u qabsoomay iyo kuwa u qorsheysan wax ka weydiiyey Wasaaradda Korontada iyo Biyaha.

Wasiirka Wasaaradda Korontada iyo Biyaha, Jaamac Takhal Cabbaas, iyo masuuliyiinta kale ee wasaaradda ayaa si faah-faahsan Ra'iisul Wasaaraha ugu soo bandhigay mashaariicda kala duwan ee wasaaradda uga hirgalay ballanqaadkii Xukuumadda Dan-Qaran ee la xiriira halbeegyada Horutabinta leh adeegyada aas-aasiga ah.

Xamse ayaa ku boorriyey masuuliyiinta wasaaradda in mashaariicda tamarta iyo biyaha ee ay maalgeliyaan hay’adaha caalamiga ah ay noqdaan kuwo ay si toos ah uga faa’iidaystaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in Xukuumadda Dan-Qaran ay ahmiyad gaar ah siinayso in bulshadu ay helaan biyo nadiif ah iyo koronto qiimo jaban.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ah ayaa ku adkeeyey masuuliyiinta wasaaradda in dhammaan deegaannada laga xoreeyey Al-Shabaab la gaarsiiyo adeegyada aas-aasiga ah ee dowladda, waxa uuna faray Wasaaradda in mudnaan gaar ah la siiyo ceelashii biyaha, maadama ay khawaarijtu ka burburiyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM