Xamse oo booqasho saddex casho ah ugu socdaalay Masar

Image
Waa safarkii afaraad uu wasiirka koowaad dibada ugu baxo tan iyo markii uu xafiiska la wareegay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa u socdaalay Masar. Booqashadda Wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka ayaa qaadan doonta saddex maalmood.

Mas'uuliyiin uu kamid yahay dhigiisa dalkaas ayaa la filayaa in uu kula kulmo Qaahira. Waa safarkii afaraad uu Xamse dibada ugu baxo tan iyo markii uu xafiiska la wareegay.

"Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u booqasho rasmi ah oo qaadan doonta muddo saddex cisho ah ugu ambabaxay dalka Masar," ayuu yiri xafiiska Xamse.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Mudane Xamse iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Qaahira, wada hadallo la xiriira iskaashiga labada dal ee walaalaha ah waxa ay la yeelan doonaan madaxda waddanka Masar".

Balse, xafiiska warfaafinta Xamse ayaanan soo bandhigin ujeedada dhabta ah ee ka dambeysa socdaalka ra'iisul wasaaraha oo imaanaya xilli sanadkii hore uu madaxwayne Xasan Sheekh uu booqdey Masar.

Intii uu joogay Masar, Xasan Sheekh ayaa dhigiisa Cabdifataax Al Siisi waxa ay isku-afgarteen adkeynta xiriirka iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacyadda ammaanka, siyaasadda iyo diblumaasiyadda.

Muqdisho iyo Qaahira ayaa si weyn isugu soo dhawaaday xilli ay jirto is-qabqabsiga biyo-xireenka NILE taasoo Itoobiya ay u aragto mid laga maarmaan ah in dowlada Soomaaliya ay ka noqoto dhexdhexaad.

Sidoo kale, socdaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli bilooyinkii lasoo dhaafay ay soo baxeen in Masar iyo Imaaraadka Carabta ay Muqdisho ka qorteen ciidamo boqolaal gaaraya kuwaasoo tababar loo qaadey.

Maalin kahor safarkan, Xamse ayaa booqdey xerada Jeneral Gordan ee Muqdisho halkaasoo ay degan yihiin 500 askar kuwaasoo dhowaan kasoo laabtey Eritrea loona diyaarinayo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Macluumaadka soo baxaya ayaa tibaaxaya in dowladda Soomaaliya ay ka dooneyso Imaaraadka iyo Masar in ay bixiyaan mushaharka iyo agabka ciidamadan iyo waliba kuwa kale ee la filayo in ay soo laabtaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM