Xamse oo daahfuray hanaanka horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya

Image
Hay’adaha la shaqeeya dowladda ayuu faray in ay mashaariicda ay fulinayaan ay mariyaan nidaamka dowliga ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in jid dheer loo soo maray dib-u-casriyeynta iyo hayaanka horumarinta hannaanka maaliyadda dalka oo maanta 10-sano jirsaday.

Xamse oo ka hadlayay munaasabad lagu soo bandhigayay guulaha maamulka maaliyadeed ee Soomaaliya, ayaa xusay in Soomaaliya ay maanta leedahay nidaam adag, casri ah oo lagu kalsoon yahay, kaas oo sababay in deyntii laga cafiyo dalka, isla markaana dalka u horseedaya in isbeddel dhaqaale iyo horumar oo dhab ah lagu sameeyo.

“Geeddi socodka hannaanka maaliyadda dalka, waxa uu kulmiyey dhammaan geeddigii loo soo marayey dhismaha hey’adaha dalka dib-u-dhiskooda, taas oo ina tusaysa in aan qaan-gaarnay oo deyntii nalaga cafiyey, xayiraaddii hubka nalaga qaaday, kuna biirnay suuqyadii gobolka, waxaan hoosta ka xarriiqayaa in dadka Soomaaliyeed ogaadaan in howshan aysan bilaash ku imaan ee habeenno badan loo soo jeeday, si guushan loo xaqiijiyo”.

Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey dadaalkooda Wasaaradda Maaliyadda iyo khubaradii ka soo shaqeeyey geeddi socodka la soo maray 10-kii sano ee la soo dhaafay (2013 – 2023), taas oo laf-dhabar u ahaa guulaha maaliyadeed ee la xaqiijiyey, waxa uuna kula dardaarmay in ay xoojiyaan dadaalkooda si loo gaaro tallaabooyin kale oo wax ku ool ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa u jeediyey hey’adaha la shaqeeya dowladda in mashaariicda ay fulinayaan ay mariyaan nidaamka dowliga ah, maadaama uu hadda dalku leeyahay hannaan maaliyadeed oo lagu wada kalsoon yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duuliye diyaaradiisa ku dejiyay xeebta Muqdisho si uu u badbaadiyo rakaabka

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya rakaab ka degaya diyaaradda kuna socdaalaya xeebta.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 07:46PM

Fahfaahin: Diyaarad siday 55 qof oo ku dhacday xeebta Muqdisho

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay diyaaradda oo taalla ciidda xeebta, meel ka baxsan xeyndaabka garoonka Aadan Cadde.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 12:17PM