Xamse oo daahfuray mashaariic ay ku baxayso 40 milyan dollar

Image
Mashaariicda ayaa waxaa fulinaya Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Samafalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa daah-furay mashaariic la xiriirta dhinacyada Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha iyo Gargaarka oo ay ka hirgelineyso Soomaaliya, Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Samafalka, kuwaas oo ay ku baxayso lacag dhan 40 milyan oo dollar.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa tilmaamay in mashaariicdani ay wax weyn ka tari doonaan baahiyaha adeegyada bulshada ee ka jira dalkeenna, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha oo kamid ah adeegyada aasaasiga ah ee ay baahida weyn u qabaan shacabkeena.

La-taliyaha Boqorka Sacuudiga, ahna Kormeeraha Guud ee Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Samafalka, Dr Cabdalla Bin Cabdulcasiis Al-Rabiica, oo hoggaaminayay wafdiga Dowladda Sacuudi Carabiya ee maanta u yimid daahfurka mashaariicda, ayaa sheegay in dowladda Sacuudi Carabiya ay ka go’an tahay taageerada dhinacyada kala duwan leh ee shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa uga mahadceliyey Boqortooyada Sucuudiga garab istaagga iyo taageerada noocyada kala duwan leh ee ay mar walba siiso dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed, isaga oo hoosta ka xariiqay in tallaabadani ay sii xoojinayso xiriirka walaaltinimo ee u dhaxeeya labada dal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM