Xamse oo fariin uu ka siday Xasan Sheekh gaarsiiyay dhigiisa Ciraaq

Image
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa booqasho ku joogga Baqdaad wallow socdaalkan uu shaki ku wareegsan yahay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Madaxweynaha dalka Ciraaq, Cabdi-Ladiif Jamaal Rashiid.

Ra’iisul Wasaaraha oo soo dhaweyn heer sare ah loogu sameeyay Qarsiga Baqdaad, ayaa gaarsiiyey Madaxweyne Ladiif dhambaal iyo farriin uu uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh, isaga oo la wadaagay horumarka ay ku tallaabsadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Ciraaq Mudane Cabdiladiif Rashiid ayaa soo dhaweeyay booqashada Ra’iisul Wasaaraha oo uu ku tilmaamay tallaabo wanaagsan oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal, laguna ballaarinayo iskaashiga gaar ahaan, dagaalka ka dhanka amniga, diblumaasiyadda iyo deeqaha waxbarashada ee ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadaha Ciraaq.

Ra'iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xaqiijiyay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyada kala duwan, si loo adkeeyo amniga, nabadda, iyo xasilloonida gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM