Xamse oo fariin uu ka siday Xasan Sheekh gaarsiiyay dhigiisa Ciraaq

Image
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa booqasho ku joogga Baqdaad wallow socdaalkan uu shaki ku wareegsan yahay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Madaxweynaha dalka Ciraaq, Cabdi-Ladiif Jamaal Rashiid.

Ra’iisul Wasaaraha oo soo dhaweyn heer sare ah loogu sameeyay Qarsiga Baqdaad, ayaa gaarsiiyey Madaxweyne Ladiif dhambaal iyo farriin uu uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh, isaga oo la wadaagay horumarka ay ku tallaabsadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Ciraaq Mudane Cabdiladiif Rashiid ayaa soo dhaweeyay booqashada Ra’iisul Wasaaraha oo uu ku tilmaamay tallaabo wanaagsan oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal, laguna ballaarinayo iskaashiga gaar ahaan, dagaalka ka dhanka amniga, diblumaasiyadda iyo deeqaha waxbarashada ee ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadaha Ciraaq.

Ra'iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xaqiijiyay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyada kala duwan, si loo adkeeyo amniga, nabadda, iyo xasilloonida gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay waqooyi-galbeed Nigeria, lana beegsaday maleeshiyaad la xiriira Daacish

Sida ay sheegeen ilo militari oo Mareykan ah, weerarka waxaa loo adeegsaday gantaallo…

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 12:06PM

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM