Xamse oo furay kulan lagu darsayo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya

Image
Kulanka aqoon isweydaarsiga ah ayaa waxaa goobjoog ka ah Wasaaradaha Wax-soosaarka dalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, oo furay kulan aqoon is weydaarsi ah oo ku saabsan kobcinta iyo horumarinta dhaqalaha dalka, ayaa xusay dadaallada dowladda ee ku aaddan horumarinta dhaqaalaha loo dhan yahay oo xasilloon.

Kulanka aqoon isweydaarsiga ah oo ay goobjoog ka yihiin Wasaaradaha Wax-soosaarka dalka, ayaa inta uu socdo waxa ay khubaro caalami ah oo ku xeeldheer dhaqaalaha oo uu ka mid yahay Proff Stefan Dercon, oo ah khabiir dhaqaale iyo bare wax ka dhiga Jaamacadda OXFORD ee dalka Ingiriiska ku soo bandhigayaa jihada lagu gaari karo dhaqaale oo horumarsan, kana tarjumaya yoolalka mustaqbalka lagu gaarayo isku filnansho dhaqaale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay sida ay Soomaaliya uga faa’iideysan karto goobteeda istiraatiijiga ah, dadkeeda hal-abuurka leh, iyo xiriirada dhaqaale ee gobolka, isaga oo hoosta xarriiqay sida ay muhiim u tahay in si wadajir ah loo shaqeeyo, si loo horumariyo qorshaha kobcinta dhaqaalaha iyo in laga faa’iideysto fursadaha jira.

Mudane Xamsa ayaa kulanka ka sheegay muhiimadda ay leedahay in Qorshaha Horumarinta Qaranka dib-u-casriyeyn lagu sameeyo, loona gudbo Qorshe Qaran oo cusub oo loogu magac daray NTP, kaas oo diiradda saarayaa abuurista siyaasado iyo istiraatiijiyado dhaqaale oo taageeraya kobcinta dhaqaalaha, shaqo abuurka iyo xoojinta xasilloonida dhaqaale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baydhabo oo sugeysa dagaal kaga yimaada Ciidamada Dowladda Soomaaliya

Taariikh ahaan, dhacdooyinka noocan ah waa kuwo horey u dhacey, oo sal u ah khilaafyada…

  • Soomaliya

    29-03-2026

  • 08:34PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka u Gudbiyay Dacwad ka Dhan ah Faragelinta Itoobiya

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu si adag ugu dacwoodo faragelin uu sheegay inay dowladda Itoobiya ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-03-2026

  • 09:16AM