Xamse oo furay shir looga hadlayo ka hortagga cudur halis ah

Image
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa madasha waxa uu ka sheegay in xukuumadiisu ay soo dhaweynayso kulankan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jahmhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa Daahfuray shirka Guddiga Heer Qaran ee Tallaalka, Ciribtirka Cudurka Dabaysha iyo Madasha Badbaadinta Carruurta Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay tallaalka iyo ciribtirka cudurrada halista ah sida dabaysha, si loo hubiyo in carruurta Soomaaliyeed ay helaan daryeel caafimaad oo tayo leh.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa si gaar ah uga hadlay dadaallada dowladda ee ku aaddan arrintan iyo qorshayaasha mustaqbalka ee lagu ilaalinayo caafimaadka bulshada, gaar ahaan carruurta Soomaaliyeed.

Shirka ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta iyo xoojinta dadaallada lagu ciribtirayo cudurka dabaysha iyo kor u qaadidda barnaamijka tallaalka, si loo badbaadiyo carruurta Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM