Xamse oo guddi u magacaabay kuraas ka banaan baarlamaanka

Image
Mid kamid ah kuraastan waxaa horey ugu soo baxay Fahad Yaasiin balse waa la laalay doorashadiisa.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa Talaadada maanta ah waxa uu magacaabay Guddiga Kumeel Gaarka ee Doorashooyinka kuraasta ka bannaanaatay Baarlamaanka 11aad.

Xamse ayaa talaabadan qaadey "markuu arkay qodobada 99-aad iyo 100-aad ee Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo go’aanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo tirsigiisu yahay GSH/B11/0522, uuna saxiixay Guddoomiyaha Golaha Shacabka".

Markuu sidoo kale arkay Wareegtadii Lr.60 ee Burinta Xeer Madaxweyne Lr.40 oo uu soo saaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo lagu kala diray Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Ra’iisul Wasaaruhu markuu arkay heshiisyadii iyo habraacyadii lagu hirgeliyay doorashooyinka dadban ee Baarlamaanka 11-aad 2021/2022 iyo sidoo kale sharciga buuxinta kursiga ka bannaanaada Golaha Shacabka ee Baarlamaanku ansixiyay 19-kii Abriil 2017.

Wuxuu magacaabay xubnaha Guddiga KMG ee maamulaya doorashooyinka kuraasta ka bannaanaatay Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Guddiga oo ka kooban 9 xubnood ayaa waxa ay kala yihiin:

1) Cabdiraxiim Cabdullaahi Shaafici
2) Cabdirisaaq Diiriye Warsame
3) Cabdi Hiis Udan
4) Cabdishakuur Abiib Hayir
5) Cabdullaahi Cabdi Aden
6) Mowliid Mataan Salaad
7) Maxamed Aadan Cismaan Yare
8) Yusuf Cabdikaadir Maxamed
9) Zahra Cabdiraxmaan Maxamed

"Ra’iisul Wasaaraha oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubnaha Guddigan cusub ayaa waxa uu faray in waajibaadkooda shaqo ay u gutaan si hufnaan iyo caddaalad ay ku jirto," ayuu yiri xafiiska wasiirka koowaad.

Guddigan ayaa waxaa la filayaa inay qabtaan dib u doorashada Kursiga HOP086 oo horay loo laalay hannaankii lagu doortay iyo Kursiga HOP147. Kursiga HOP086 waxaa horey ugu soo baxay Fahad Yaasiin Daahir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo Lagu Daahfuray Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed Markii Ugu Horreysay

Guddoomiyaha Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed, Yaasiin Maxamuud Cibaar, ayaa khudbad dhiirrigelin leh ku tilmaamay furitaanka suuqan.

  • Soomaliya

    21-06-2025

  • 02:50PM

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee Muqdisho oo dib loo dhigay kadib fashilkii shirkii hore

Dowladda federaalka ayaa ku dhawaaqday in shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee dib loo qorsheeyay uu qabsoomi doono 15-ka bisha Luulyo.

  • Soomaliya

    21-06-2025

  • 07:18AM