Xamse oo guddi u saarey Aaska Qaran ee marxuum Jawaari

Image
Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa guddoomiye looga dhigay guddigan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Guddiga Aaska Qaran ee Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), oo shalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho. 

Xubnaha Guddiga oo ka kooban 12 Xubnood ayaa waxa ay kala yihiin:

1. Wasiirka Beeraha iyo Waraabka; Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye. – Guddoomiye

2. Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag - Xubin

3. Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelaay – Xubin

4. Wasiirka Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Shiikh Cabdiraxmaan Beene Beene - Xubin

5. Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha, Mudane Maxamed Barre Maxamuud – Xubin

6. Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani– Xubin

7. Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Yusuf Al caddaala – Xubin

8. Taliyaha Ciidanka Booliiska – General Sulub Axmed Firin – Xubin

9. Taliyaha Ciidanka Asluubta – General Mahad Cabdiraxmaan Aadan – Xubin

10. Habdhowraha Golaha Shacabka, Mudane Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux – Xubin

11. Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) – Xubin.

12. Guddoomiyaha Hey’adda Maareeynta Masiibooyinka Qaranka (SodMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle - Xubin.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM