Xamse oo guddi u saarey Aaska Qaran ee marxuum Jawaari

Image
Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa guddoomiye looga dhigay guddigan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Guddiga Aaska Qaran ee Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), oo shalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho. 

Xubnaha Guddiga oo ka kooban 12 Xubnood ayaa waxa ay kala yihiin:

1. Wasiirka Beeraha iyo Waraabka; Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye. – Guddoomiye

2. Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag - Xubin

3. Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelaay – Xubin

4. Wasiirka Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Shiikh Cabdiraxmaan Beene Beene - Xubin

5. Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha, Mudane Maxamed Barre Maxamuud – Xubin

6. Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani– Xubin

7. Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Yusuf Al caddaala – Xubin

8. Taliyaha Ciidanka Booliiska – General Sulub Axmed Firin – Xubin

9. Taliyaha Ciidanka Asluubta – General Mahad Cabdiraxmaan Aadan – Xubin

10. Habdhowraha Golaha Shacabka, Mudane Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux – Xubin

11. Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) – Xubin.

12. Guddoomiyaha Hey’adda Maareeynta Masiibooyinka Qaranka (SodMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle - Xubin.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo u safray dalka Algeria

Wafdiga Madaxweynaha ku wehliya safarka waxaa ka mid ah xubno ka tirsan golaha Wasiirrada Soomaaliy.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 10:56AM

Aabbe lagu eedeeyay inuu gubay afar carruur ah oo uu dhalay oo lagu xiray Hargeysa

Dadka Deriska ayaa xaqiijiyay in lammaanaha ay isla soo muuqdeen maxkamad subaxnimadii dhacdadu dhacday.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 06:07AM