Xamse oo hortagay Guddoonka iyo Guddiga Joogtada ah Golaha Shacabka

Image
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa qodobo kala duwan kala hadlay mas'uuliyiinta.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta hortagay Guddoonka iyo Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka JFS.

Kulanka oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur ( Aadan Madoobe), ayaa looga wada hadlay xoojinta wada-shaqeynta ka dhaxeysa Hay'adaha Fulinta iyo Sharci dajinta.

Xamsa, ayaa ku bogaadiyey Golaha, ansixinta shuruucda muhiimka u ah dalka, gaar ahaan arrimaha deyn cafinta iyo amniga dalka, i"yagoo guddanaya waajibkooda Dastuuriga ah , waxuuna ka codsaday in ay meel mariyaan shuruucda wali horyaala iyo kuwa la horkeeni doono ee dalka muhiimka u ah".

Xukuumaddiisa ayuu tilmaamay Ra'iisul Wasaaruhu in ay diyaar u tahay korjoogteyn iyo la xisaabtan, maadaama hadafkeedu uu yahay dowlad-wanaagga iyo la dagaallanka Musuq-maasuqa.

Guddiga joogtada ayuu uga mahadceliyey wada-shaqeyntooda dhow, waxa uuna hoosta ka xariiqay in heshiis walba oo siyaasadeed oo ay gaaraan Golaha Wadatashiga Qaranka, la horkeeni doono Golaha Shacabka, si waafaqsan Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Golaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM