Xamse oo ka digay "isbaarada" loo dhigto Xujeyda Soomaaliyeed

Image
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay xilli la filayo dhowaan ay bilaabato daabulida Xujeyda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa Sabtida maanta ah waxa uu kormeer ku tegay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Xarunta Wasaaradda ayuu kula kulmay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali si lamid ah Guddiga Maareynta iyo Maamulka Xajka.

Warbixin ku saabsan hannaanka tartansiinta shirkadaha daneynaya arrimaha Xajka, maareynta cabashada iyo khilaafaadka, halbeegga adeegyada Xujeyda Soomaaliyeed ayuu dhageystay.

Sidda laga soo xigtey xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, warbixinta waxaa qeyb ka ahaa "jaan-gooynta qiime aan culeys ku noqonayn dadkeenna doonaya in ay soo gutaan waajibka Eebbe sanadkan".

Xamse ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay ka go'an tahay inay hufnaan ku maamusho, isla markaana korjoogteyso shirkadaha ku guuleysan doona adeegga Xajka.

"Dowladaha dariska ah qofkii in uu ku xajiyo $1,600, anagana aan sii mareyno $5,500 illaa $6,000; waa isbaaro loo dhiganayo cibaadada," ayuu hoosta ka xariiqay Xamse.

Soomaaliya ayaa lagu tiriyaa in ay kamid tahay dowladaha ay dhaqaalaha ugu badan dadkeeda uga baxaa arrimaha Xajka taasoo loo aaneeyo musuqmaasuq baahsan iyo lacago badan oo dul-saar ah.

GAROWE ONLINE

Dowladaha dariska ah qofkii in uu ku xajiyo $1,600, anagana aan sii mareyno $5,500 illaa $6,000; waa isbaaro loo dhiganayo cibaadada.

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM

Xasan Sheekh oo u safraya Saudi Arabia xilli ay isbeddelayaan xulafada Soomaaliya

Sidoo kale, booqashadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay si cad u taageertay mowqifka Sacuudi Carabiya.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 09:23AM