Xamse oo khudbad ka jeediyey shirka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika

Image
Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa diiradda saarey dhinacyada ganacsiga, farsamada iyo tiknoolajiyadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa khudbad uu ka jeediyay shir madaxeedka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika waxa uu ka hadlay ahmiyadda ay leedahay in Jamhuuriyadda Kuuriya iyo dalalka Afrika ay iska kaashadaan dhinacyada ganacsiga, farsamada iyo tiknoolajiyadda.

Wasiirka koowaad ayaa sheegay in Afrika ay horumar wanaagsan ka sameyneyso isbeddalka dhaqaalaha iyo horumarka bulshada, isla markaana Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika uu abuurayo fursado maalgashi iyo iskaashi dhinaca ganacsiga.

Xamsa waxa uu ka hadlay in Soomaaliya ay dhacdo goob istiraatiiji ah oo isku xireysa Afrika iyo Asia, isla markaana Alle ugu deeqay kheyraad dabiici ah, isagoo intaa raaciyay in dowladda Soomaaliyeed ay guulo waaweyn ka gaartay dhinacyada amniga, siyaasadda iyo horumarinta nidaamka dhaqaalaha iyo weliba sharciyada ee dalka, ee fududeyneya maalgashiga caalamiga ah.

Waxa uu sheegay in uu rajeynayo in waaya-aragnimada Kuuriya ee dhinacyada farsamada, tiknoolajiyadda iyo caafimaadka ay door wanaagsan ka ciyaari karaan waaga cusub ee iskaashi ee u billowday Afrika iyo Jamhuuriyadda Kuuriya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar, Turkiga iyo Jabuuti oo Cambaareeyay Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty.

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 08:14PM

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay waqooyi-galbeed Nigeria, lana beegsaday maleeshiyaad la xiriira Daacish

Sida ay sheegeen ilo militari oo Mareykan ah, weerarka waxaa loo adeegsaday gantaallo…

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 12:06PM