Xamse oo khudbad ka jeediyey shirka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika

Image
Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa diiradda saarey dhinacyada ganacsiga, farsamada iyo tiknoolajiyadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa khudbad uu ka jeediyay shir madaxeedka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika waxa uu ka hadlay ahmiyadda ay leedahay in Jamhuuriyadda Kuuriya iyo dalalka Afrika ay iska kaashadaan dhinacyada ganacsiga, farsamada iyo tiknoolajiyadda.

Wasiirka koowaad ayaa sheegay in Afrika ay horumar wanaagsan ka sameyneyso isbeddalka dhaqaalaha iyo horumarka bulshada, isla markaana Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika uu abuurayo fursado maalgashi iyo iskaashi dhinaca ganacsiga.

Xamsa waxa uu ka hadlay in Soomaaliya ay dhacdo goob istiraatiiji ah oo isku xireysa Afrika iyo Asia, isla markaana Alle ugu deeqay kheyraad dabiici ah, isagoo intaa raaciyay in dowladda Soomaaliyeed ay guulo waaweyn ka gaartay dhinacyada amniga, siyaasadda iyo horumarinta nidaamka dhaqaalaha iyo weliba sharciyada ee dalka, ee fududeyneya maalgashiga caalamiga ah.

Waxa uu sheegay in uu rajeynayo in waaya-aragnimada Kuuriya ee dhinacyada farsamada, tiknoolajiyadda iyo caafimaadka ay door wanaagsan ka ciyaari karaan waaga cusub ee iskaashi ee u billowday Afrika iyo Jamhuuriyadda Kuuriya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM