Xamse oo noqdey Masaajidka taariikhiga ah ee Sheekh Jeylaani

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqday Masaajidka taariikhiga ah ee Shiikh Cabdulqaadir Jeylaani ee magaalada Baqdaad.

Xamse ayaa la kulmay maamulka iyo culimada masaajidka gacanta ku haya, wuxuuna uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee isaga iyo wafdigiisa loo sameeyay, iyadoo lagu soo wareejiyay afarta qaybood ee masaajidku ka kooban yahay oo lagu baran jiray afarta madhab ee Xanafiya, Shaaficiya, Maalikiya iyo Xambaliya.

Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa dul istaagay taariikhda iyo muhiimadda Masaajidka Shiikh Cabdulqaadir Jeylaani, oo sanad walba Muslimiin badan oo caalamka Islaamka ka socda ay soo booqdaan, Waxa uu sheegay in Shiikhu ahaa caalim Sunni ah oo diinta Islaamka faafiyay, una horseeday dad badan inay raacaan jidka xaqa ah.

Culimmada Masaajidka Shiikh Jeylaani ee Baqdaad ayaa uga mahadceliyey Ra'iisul Wasaaraha Booqashadiisa, waxayna ugu duceeyeen shacabka Soomaaliyeed nabad iyo horumar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM