Xamse oo qaabilay safiirka Turkiga kadib dilka muwaadiniin Turki ah

Image
Muwaadiniinta la beegsadey ayaa gargaar raashiin ah u qeybinayay dad barakacyaal ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Alper Aktaş, kaas oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga walaalnimo ee u dhexeeya labada dowladood.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Danjiraha la wadaaga tacsida muwaadin u dhashay dalka Turkiga oo isaga oo gargaar qeybinaya ay dileen kooxaha Khawaarijta ah ee banneystay daadinta dhiigga dadka muslimiinta, xilligaan lagu jiro tobankii ee bisha barakeysan ee Ramadaan.

Dhankiisa, Danjire Alper Aktaş ayaa xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay sii wadidda taageerada ay la garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed ee walaalahood ah, isaga oo xusay in falkaas argagixiso uusan hakin doonin taageeradooda.

Kulankan ayaa waxa uu imaanayaa maalmo kadib markii weerar ay Al-Shabaab u adeegsatay qarax miino kana dhacay duleedka Muqdisho ay ku naf-waayeen ugu yaraan afar qof kuwaas oo labo kamid ah ahaayeen muwaadiniin kasoo jeeda waddanka Turkiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM