Xamse oo shaaciyay mowqifka xukuumadiisa ee sugnaanta cunnada

Image
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa guddoomiyey kulan gaar ah oo ku saabsan qaddiyadan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa waxa uu guddoomiyey kulan gaara kaasi oo looga hadlaayey hannaanka sugidda badqabka cuntada Soomaaliya.

Xamse ayaa dhageystay warbixin ku saabsan hab cusub oo ay dowladda Soomaaliya kula wareegeyso mas’uuliyadda soo saarista warbixinnada sugnaanta cunnada.

Wasiirka koowaad ayaa ku tilmaamay ahmiyada ay leedahay in dowladdu yeelato awoodda soo saarista warbixinnada sugnaanta cunnada, iyadoo la fulinayo heshiiskii ay dowladu la gashay Hay’adaha caalamiga ah.

Dhanka kale, Kulan aqoon isweydaarsi ah oo looga hadlayey doorka warbaahinta hey’adaha dowladdu ay ka qaadan karaan hirgelinta Hannaanka casriyeynta Dowladdnimada iyo sidii farriimaha dowladda looga dhigi lahaa kuwo waxtar leh oo isku xira, bulshada iyo dowladda, ayaa ku qabsoomay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Saalax Axmed Jaamac oo kulanka soo xiray, ayaa sheegay in looga baahan yahay dadka ka shaqeeya warbaahinta hey’adaha dowladda in ay noqdaan dad aqoon leh oo xog-ogool u ah arrimaha ka jira dalka.

Saalax ayaa ku dheeraaday doorka ay warbaahintu ku leedahay dowlad-dhiska iyo dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah, waxa uuna hoosta ka xariiqay sida ay lagama maarmaan u tahay in bulshada Soomaaliyeed lagu jiheeyo dowladnimada casriga ah.

Kulanka oo intii uu socday la isku dhaafsaday aragtiyo kala duwan oo warbaahinta loogu jiheynayey hannaanka dowlad-dhiska iyo la dagaallanka Khawaarijta , ayaa waxaa goobjoog ka ahaa  Wasiiru Dowladaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Xirsi Gaani, Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Caddaala iyo Howlwadeennada Warbaahinta ee Hey’adaha Dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga Oo Heshiis Amni la galay dowladda Soomaaliya

Heshiiskaan ayaa qeexaya iskaashi toos ah oo u dhexeeya Waaxda Ammaanka Madaxtooyada Sacuudiga iyo hay’adda sirdoonka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    21-05-2025

  • 08:57AM

Macwiisleyda Xawaadle oo Kaligood Ku Noqday Dagaalka Al-Shabaab, Iyagoo Difaacaya Deegaanadooda Hiiraan

Ugu dambeyn, xaaladda gobolka Hiiraan waxay mar kale muujinaysaa sida uu amniga dalka ugu xiranyahay dadaalka bulshada deegaanka

  • Soomaliya

    21-05-2025

  • 07:35AM