Xamse oo shaaciyey saddex qodob hortabin u leh 2023-ka

Image
Xiritaanka Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ayuu hadalkan ka sheegay ra'iisul wasaaraha.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa Khamiista maanta ah soo xiray Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo muddo afar maalmood ah ka socday magaalada Muqdisho.

Xamse ayaa ku ammaanay culimada Soomaaliyeed natiijada ay ka gaareen shirweynaha iyo sida ay u fasireen dagaalka ka dhanka ah Khawaariijta, isaga oo intaa raaciyay in ay la hadleen dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Shacabka ayuu ugu baaqay inay dhegaha furaan oo ay qaataan waxa ay u sheegeen culimada Soomaaliyeed ee ku xusan bayaanka ay shirka ka soo saareen, isagoo intaa ku daray in Xukuumadda #DanQaran ay diyaar u tahay inay fuliso qodobada dowladda loo soo jeediyay.

"Shirweynaha oo isku keenay dhammaan Culimada Soomaaliyeed dal iyo dibed ayaa intii uu socday waxaa lagu soo bandhigay xiriirka ka dhexeeya dowladnimada iyo diinta, waajibaadka dowladda Soomaaliyeed ka saaran dhawrista diinta iyo dhaqanka, horumarinta nidaamka caddaaladda dalka iyo aragti culimada Soomaaliyeed ee ku wajahan kooxaha Khawaariijta ee dhibaatada ku haya shacabka, oo ay si cad u sheegeen in ay yihiin Khawaariij banneystay dhiiga dadka Soomaaliyeed," ayuu yiri xafiiska Xamse.

Dhanka kale, Xamse ayaa shaaca ka dhigay in xukuumadiisa ay sanadkan 2023 hiigsaneyso saddex qodob kuwaasoo ay hortabinta koowaad siineyso sidii ay guul muuqata uga gaari lahayd.

"Sanadkan waxaan rajeynaynaa in aan isla dulqaadno cadowga Al-Shabaab, deynta nagala cafiyo iyo in aan dhameystirno dastuurka," ayuu carabka ku adkeeyay ra'iisul wasaare Xamse.

Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay, ciidamadda Soomaaliya oo taageero ka helaya dadka degaanka iyo saaxiibada caalamka ayaa ku guuleystay in ay la wareegaan dhul ballaaran oo gaaraya 70 degaano kala duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM