Xamse oo shaashadaha kasoo muuqdey kadib asbuucyo la waysanaa

Image
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa fagaareyaasha ka maqanaa tan iyo 29-kii Janaayo 2024.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Hamza Abdi Barre, ayaa booqday Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka.

Xamse oo shaashadaha ka maqnaa tan iyo 29-kii Janaayo, 2024 ayaa kulamo uu la qaatay waxa uu la wadaagay warbixinno kala duwan oo ku saabsan arrimaha amniga iyo dib-u-xoreynta, Arrimaha Siyaasadda loo dhanyahay, Horumarinta dhaqaalaha, maalgashiga iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee aan dunida la leenahay.

Waxaana uu Ra’iisul Wasaaruhu warbixin gaar ah ka siiyay Guddoomiyeyaasha labada Aqal dadaalka ay Dowladdu galisay difaaca madax-bannaanida iyo Midnimada dhuleed ee Qarankeenna oo ay Itoobiya si gurracan u damacday in ay ugu xad-gudubto Dalkeena, waxaana arrintaas Dowladdu ka soo hoysay guulo diblomaasiyadeed oo wax ku ool ah.

Xukuumadda #DanQaran oo barnaamijkeeda siyaasadeed ee ay horgeysay Baarlamaanka uu ka mid ahaa qabyo-tirka Dastuurka KMG ah, ayaa juhdi dheeri ah galisay sidii dastuurka looga saari lahaa ku-meel gaarnimada, si dalku u yeesho Dastuur dhammeystiran oo ay ku cad-yihiin arrimaha asaasiga u ah Qarannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in Baarlamaanka 11aad uu ku suntan yahay in uu yahay goleyaashii ugu shaqada iyo dadaalka badnaa, iyaga oo meel-mariyay shuruucdii iyo Xeerarkii ugu badnaa, waxuuna ku bogaadiyay gudo-gelidda doodaha la xiriira dhameystirka dastuurka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Hubanti la'aan soo wajahday natiijadda doorashaddii Koonfur Galbeed

Musharixiin uu kamid yahay Shariif Xasan ayaa sheegay in aysan aqbalayn natiijo lagu shubtay, xili Lafta-Gareen ciidankiisa duulaan ku yihiin Baydhabo.

  • Soomaliya

    18-05-2026

  • 11:33AM

Xasan Sheekh Oo Qaabilay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Warar soo baxaya ayaa sheegay in Midowga Yurub iyo deeq-bixiyaasha kale aysan ku qanacsanayn qaabka uu Xasan Sheekh wax u wado.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 08:59PM