Xamse: Soomaaliya way ka go’an tahay in dariskeeda ay kula noolaato nabad

Image
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa hadalkan waxa uu ka sheegay shir ka dhacay Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo daahfuray Madaadii’da Nabadda ee Soomaaliya, ayaa sheegay in Adduunka ay ka jirto wal-wal la xiriira sii jiritaanka nabadda, taas oo muhiim ka dhigaysa in la helo xeerar sal adag oo lagu xakameynayo cid walba oo wax yeelaysa nabadda adduunka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Soomaaliya ay ku socoto jidkii nabadda, horumarka iyo dib-u-soo kabashada, isla markaana ay muhiim tahay in la kobciyo hey’adaha dowliga ah, si bulshada loo gaarsiiyo adeegyada ay u baahan yihiin ee xoojinaya nabadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in dagaalka lagula jiro Kooxaha Khawaarijta ah ee ka soconaya dalka ay yihiin kuwo lagu raadinayo nabadda, isaga oo ugu baaqay dhallinyarada ay marin habaabiyeen argagixsadu in ay ku soo laabtaan jidka saxda ah, kana tanaasulaan afkaarta gurracan ee lagu daadinayo dhiigga ummadda Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa ayaa ugu baaqay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo isu soo dhaweynta bulshada, kana fogaadaan wax walba oo dhaawaci kara nabadda ummadda.

Waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in dariskeeda ay kula noolaato nabad, dhankeedana aysan aqbali doonin in lagu soo xadgudbo Qarannimada iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM