Xamse: Waan mideynaynaa tababarada la siiyo ciidanka Soomaaliya

Image
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad tababar loogu soo xiray ciidan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay mideynayso dhammaan tababarrada kala duwan ee ciidanka qalabka sida, ee ay inaga caawiyaan dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay mar uu maanta booqasho ugu tagay Ciidanka Soomaaliyeed ee ku jira kuliyadda tababarka TurkSom, waxaana uu intaa raaciyay in ciidanka qalabka sida loo dajinayo hal manhaj oo mideysan taasi oo xoojineysa gudashada waajibaadkooda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa saraakiisha iyo ciidanka kula dardaarmay inay yihiin rajada dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin, isla markaana ay u diyaargaroobaan ciribtirka Khawaarijta iyo xoreynta dalka.

Xamsa ayaa sheegay in dowladdu abuureyso hey’ad u xilsaaran daryeelka agoonta ciidamada qalabka sida, isla markaana maalin qaran loo asteyn doono sanad walba maalinta shuhadada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga, oo si weyn u xoojisay taageerada isugu jirta qalabeynta iyo tayeynta ciidankeena, gaar ahaan dhinaca caafimaadka militeriga iyo gargaarka xaaladaha degdegga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM