Xamse: Waxaa fulineynaa "Soomaali Heshiis ah Dunidana heshiis la’ah"

Image
Ra’iisul Wasaaraha ayaa wuxuu sheegay in xukuumadiisu baadi-goobeyso nabada ka maqan Soomaaliya".

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dalka Jabuuti ka furay shirwaynaha sanadlaha ah ee machadka Heritage, oo sanadkan diiradda lagu saarayo kobcinta dhaqanka nabadda Geeska, oo saamayn ku leh guud ahaan bulshooyinka gobolka gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed.

Xamse oo madasha khudbad dheer ka jeediyey ayaa ka warbixiyey muhiimada uu mawduucan leeyahay iyo sida uu u taabanayo nolosha shucuubta mandiqadda ku nool - gaar ahaan Ummadda Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in nabaddu fure u tahay albaabada naga xiran ee horumarka amni, dhaqaale, bulsho iyo mid siyaasadeed intaba.

Wasiirka koowaad ayaa "xusay in shacabka iyo dowladda Somaaliyeed muddo dheer dagaal xooggan ay kula jiraan kooxaha Khawaarijta ah ee argagixisada oo khatar ku ah dalkeena, gobolka geeska iyo guud ahaan caalamkaba".

Ra'iisul Wasaare Xamse waxa uu tibaaxay in si aan dal iyo dibadba uga baadi goobno nabadda naga maqan, ay dowladda Soomaaliyeed ka dhigtay mid ka mid ah tiirarka barnaamijka Xukuumadda Dan-Qaran “Soomaali Heshiis ah Dunidana heshiis la’ah”.

Gabagabadii Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu u mahad-celiyey Madaxwayna Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle doorka shariifka ah ee isaga shacabkiisu ka qaateen madasha isagoo ku bogaaadiyey Machadka Heritage dadaalka ay geliyeen inay isku keenaan boqolaal qof oo Soomaaliyeed oo ku kala nool daafaha caalamka si loo lafa giro Nabadda Geeska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Beesha Caalamka oo diiday doorasho hal dhinac ah oo ka dhacda Soomaaliya

Kulankan oo dhacay maalintii Isniinta ayaa waxaa fool-ka-fool uga qeyb galay qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan mucaaradka.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 09:04AM

Villa Somalia oo billowday ololaha oorashadda Gudoomiyaha cusub ee Gollaha Shacabka

Qaar kamid ah siyaasiyiinta damacsan xilalka cusub ayaa sidoo kale wajahaya caqabado gudaha beelahooda ah.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 05:37AM