Xamse: Waxaa fulineynaa "Soomaali Heshiis ah Dunidana heshiis la’ah"

Image
Ra’iisul Wasaaraha ayaa wuxuu sheegay in xukuumadiisu baadi-goobeyso nabada ka maqan Soomaaliya".

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dalka Jabuuti ka furay shirwaynaha sanadlaha ah ee machadka Heritage, oo sanadkan diiradda lagu saarayo kobcinta dhaqanka nabadda Geeska, oo saamayn ku leh guud ahaan bulshooyinka gobolka gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed.

Xamse oo madasha khudbad dheer ka jeediyey ayaa ka warbixiyey muhiimada uu mawduucan leeyahay iyo sida uu u taabanayo nolosha shucuubta mandiqadda ku nool - gaar ahaan Ummadda Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in nabaddu fure u tahay albaabada naga xiran ee horumarka amni, dhaqaale, bulsho iyo mid siyaasadeed intaba.

Wasiirka koowaad ayaa "xusay in shacabka iyo dowladda Somaaliyeed muddo dheer dagaal xooggan ay kula jiraan kooxaha Khawaarijta ah ee argagixisada oo khatar ku ah dalkeena, gobolka geeska iyo guud ahaan caalamkaba".

Ra'iisul Wasaare Xamse waxa uu tibaaxay in si aan dal iyo dibadba uga baadi goobno nabadda naga maqan, ay dowladda Soomaaliyeed ka dhigtay mid ka mid ah tiirarka barnaamijka Xukuumadda Dan-Qaran “Soomaali Heshiis ah Dunidana heshiis la’ah”.

Gabagabadii Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu u mahad-celiyey Madaxwayna Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle doorka shariifka ah ee isaga shacabkiisu ka qaateen madasha isagoo ku bogaaadiyey Machadka Heritage dadaalka ay geliyeen inay isku keenaan boqolaal qof oo Soomaaliyeed oo ku kala nool daafaha caalamka si loo lafa giro Nabadda Geeska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM