Xarigga Ugbaad Aragsan, aargoosi Siyaasadeed mise ka hortag dhaqan xumo?

Image
Booliska Somaliland ayaa talaadadii Ugbaad ka soo qabtay mehrad ganacsi oo ay Hargeysa ku lahayd..

Hargeysa, Soomaaliya - Laamaha amaanka Somaliland ayaa xabsiga dhigay Ugbaad Aragsan oo ah fanaanad caan ka ah gayga Soomaaliya, 24-Saac ka gadaal hees ay qaadday oo miraheedu ka mid ahaa “Farxadda Yaa La Iska Jiirin”.

Arrintan ayaa anafiir ku noqotey dad badan oo Soomaaliyeed kuwaas oo si weyn ugu xirnaa fanaanada, iyada oo maalmihii la soo dhaafay si weyn loo hadal hayay sababta keentay xarigga.

Booliska Somaliland ayaa talaadadii Ugabaad ka soo qabtay mehrad ganacsi oo ay Hargeysa ku lahayd, Booliska oo qoraal soo saaray ayaa ku sababeeyay xarigga inay baraha bulshada ku faafinaysay dhaqamo xunxun sida ay hadalka u dhigeen.

Balse dhanka kale, dad badan ayaa si kale u dhigay fasiraada xariga fanaadada, iyada oo loo aaneeyay arrimo dhowr ah oo ay ugu wacantahay inay qaaday hees uu ku luuqeeyay Fanaanka ku magac dheer Sharma Boy.

Heesta ayaa si weyn loogu dhaliiyay nidaamka Muuse Biixi, oo heshiis beenaad ah la galay dowladda Itoobiya, oo ereyadeeda ka mid ahaa “Ha biibiibin badana ha iibin, Shacabkaaga ciidooda haku ciilin… Laftinaga hanoo dhiiban”.

Sidoo kale, Ugbaad ayaa ka soo muuqatay bandhig ay qabtiin xisbiga mucaaradka ah ee Wadani, iyada oo qaadday hees lagu weyneenayo Xisbiga iyo musharaxa u taagan hanashada xilka madatinimada.

Intaas oo is biirsaday iyo falal kale oo liddi ku ah rabitaanka Muuse Biixi, oo ka mid ah ka qeyb qaadashada Caleema-saarka madaxweyne Siciid Deni ayaa la sheegaya inay markii dambe sabab u noqdeen xarigga Ugbaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda oo Macawiisleyda uga tagtay jiida dagaalka AS ee Bartamaha Soomaaliya 

Mid kasta oo ka mid ah dagaalyahannada Macawiisleyda ayaa dowladda ka ballanqaadday mushahar bille ah oo gaaraya $100 doolar.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 09:07AM

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo u safray dalka Algeria

Wafdiga Madaxweynaha ku wehliya safarka waxaa ka mid ah xubno ka tirsan golaha Wasiirrada Soomaaliy.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 10:56AM