Xarun ay lahayd Al-Shabaab oo "lagu burburiyey" duqeyn cirka ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Milatariga Mareykanka ayaa tafaasiil dheeri ah ka bixiyey laba duqeyn oo 6-dii Febraayo, 2020, ay ka fuliyeen nawaaxiga magaalada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.

Qoraal kasoo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in lala eegtay fariisimo ay Al-Shabaab ku lahayd halkaas.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in xarun ay Al-Shabaab lahayd "si weyn loogu burburiyey mid kamid ah duqeymaha".

"Laba kamid ahaa argagixisadda Al-Shabaab ayaa ku dhaawacmay labadda duqeyn," ayuu raaciyey war-saxaafadeedka.

Talika Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa meesha ka saarey in waxyeelo soo gaarey shacab ay ka dhasheen howlgalka.

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashadda Mareykanka oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab.

Afar maalmood kahor ayay ahayd markii duqeyn Mareykanka uu ka geystay degaano ka tirsan Jubada Hoose la xaqiijiyey in lagu dilay dagaalame ka tirsanaa xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM