Xarun ay lahayd Al-Shabaab oo "lagu burburiyey" duqeyn cirka ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Milatariga Mareykanka ayaa tafaasiil dheeri ah ka bixiyey laba duqeyn oo 6-dii Febraayo, 2020, ay ka fuliyeen nawaaxiga magaalada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.

Qoraal kasoo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in lala eegtay fariisimo ay Al-Shabaab ku lahayd halkaas.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in xarun ay Al-Shabaab lahayd "si weyn loogu burburiyey mid kamid ah duqeymaha".

"Laba kamid ahaa argagixisadda Al-Shabaab ayaa ku dhaawacmay labadda duqeyn," ayuu raaciyey war-saxaafadeedka.

Talika Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa meesha ka saarey in waxyeelo soo gaarey shacab ay ka dhasheen howlgalka.

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashadda Mareykanka oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab.

Afar maalmood kahor ayay ahayd markii duqeyn Mareykanka uu ka geystay degaano ka tirsan Jubada Hoose la xaqiijiyey in lagu dilay dagaalame ka tirsanaa xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM