Xarun ay leedahay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo Cawa la qarxiyey

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaaa  caawa fiidkii hore xilliga afurka la qarxiyey xarun ay leedahay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo ku taala agagaarka Daallo ee degmada Howlwadaag, ee magaalada Muqdisho. 

Qaraxaan oo sida la sheegay ahaa miino lagu aasay afaafka hore ee xarunta oo isugu jirta Laan iib oo macaamiisha shirkadda loogu adeego iyo BTS ayaa sida la xaqiijiyey geysan wax khasaaro nafeed ah, balse waxaa jira burbur xoogan oo gaaray dhismaha xarunta. 

Weerarkan  ayaa dhacay wax ka yar 24 saac kadib  qarax lala eegtay Box telephone oo ay leedahay shirkadda Hormuud oo ku yiilay tabeelaha Sheekh Ibraahim. 

Ilaaa hada Lama oga sababta loo beegsaday xaruntaan oo ay dadka dagankaas si wayn ugu tiirsanaayeen adeegyada ay bixiso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM