Xarunta Nabad Sugida Jubbaland oo la weeraray [Fahfaahin]

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Ciidamo ka tirsan Jubbaland, balse, u abaabulan qaab beeleed ayaa weerar socday 30 daqiiqadood ah waxay ku ekeeyay Jimcadda maanta ah dhismaha Hay'adda Nabad Sugida Jubbaland oo ku taala Magaalada Kismaayo.

Dagaal fool ka fool ah ayaa ka dhashay weerarka, kaasoo dhex-maray Ilaaladda dhismaha Hay'adda NISA ee Jubbaland iyo askarta qaabka Qabiilka u ahaabulnaa ee duulaanka soo qaaday, sida ay u sheegeen Warsidaha Garowe Online illo xog ogaal ah.

Askarta weerarka soo qaaday ayaa lagu waramayaa in u jeedkooda uu ahaa inay kala soo baxaan dhismaha Askari kasoo jeedo beeshaadooda, kaasoo shalay oo Khamiis ahayd ay kusoo xireen Hay'addaha amaanka ee maamulka Axmed Madoobe.

Askarta ayaa la sheegay inay ku guuleysteen inay ka furtaan dhismaha xarunta NISA ee Jubbaland Askarigii kaga xirnaa, kaasoo warar lagu kalsoonaan karo ay u udusiyeen Warsidaha Garowe Online in lagu magacaabo Cabdi Jabaar Xasan Dubad.

Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland, gaara ahaan Wasaarada Amniga Jubbaland iyo Taliska NISA ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay inay socoto baaris ku saabsan siday ugu suuragashay Askarta inay furtaan Askariga iyo sida uu weerarka ku yimid.

Waxay ka gaabsadeen masuuliyiinta u warantay Warsidaha GO inay bidhaamiyaan khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalka, inkasta oo illo xog ogaal ah oo dhanka caafimaadka ah ay cadeeyeen inuu jirto dhimasho iyo dhaawac.

Dadka degan xaafadaha ku dhow dhismaha Hay'adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Jubbaland ee magaalada Kismaayo ayaa carabka ku dhuftay inay maqlayeen Rasaas culus iyo Qoryaha garabka laga gano oo ay is-dhaafsaneysay Askarta.

Weerarkaan lagu qaaday xarunta Nabad Sugida Jubbaland ee Kismaayo ayaa wuxuu imaanayaa xili Duhurnimadii Jimcada ahayd lagu banaan-baxay Wafdi ka socday Madaxtooyadda Jubbaland oo gaarey Magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Wafdiga oo ay ku jireen Xilldhibaano iyo Wasiiro ka tirsan maamulka Axmed Madoobe ayaa qaarkood loo geystay jirdil, waxayna horudhac u ahaayeen safar uu Madaxwaynaha Jubbaland ku tegi lahaa maalmaha soo socda halkaas, sida la sheegay.

Ujeedka socdaalka Axmed Madoobe ayaa la fahansan yahay inay tahay Olale doorasho, maadaama dhowaan degaanada Jubbaland ay ka dhaceyso doorasho, taasoo ka xamaasad badan kuwii hore xili loolan siyaasadeed oo adag uu wajahayo.

Ma jiro illaa iyo haatan war rasmi ah oo kasoo baxay Xafiiska Madaxtooyadda dowlad goboleedka Jubbaland oo dhacdooyinka looga hadlayo, wallow GO uu isku deyay inuu la xiriiro masuuliyiinta ay usheegeen inay dhowaan saxaafada la hadli doonan.

Arrimahaan oo dhan ayaa kusoo beegmaya xili cilaaqaadka Jubbaland iyo madaxda ugu sareysa dalka uusan hagaagsaneen, xili dhowaan Axmed Madoobe uu ku eedeeyay dowladda Federaalka inay faragelineyso arrimaha gudaha maamulkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo dagaalka Bariga Dhexe kala hadlay qaar kamid ah Madaxda Khaliijka 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada Soomaaliya ay u hayso Urdun iyo Qatar.

  • Soomaliya

    03-03-2026

  • 11:27AM

Puntland oo si Adag u Diidday Wax ka Bedelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya

Puntland waxay caddeysay inay aqoonsan tahay oo keliya Dastuurka KMG ah ee lagu heshiiyey sannadkii 2012.

  • Soomaliya

    02-03-2026

  • 09:05PM