Xarunta UN-ka ee Muqdisho oo la weeraray iyo khasaaro ka dhashay [Sawirro]

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya [UNSOM] ayaa war kasoo saarey weerar hoobiye oo Al Shabaab ku qaadey xaruntooda ku taalla gudaha xerada Xalane, ee magaalada Muqdisho, maanta oo Talaado ah.

Nickolas Haysom, Wakiilka QM ee Soomaaliya, ahna madaxa UNSOM ayaa xaqiijiyay in labo kamid ah shaqaalahaha UN-ka iyo shaqsi Qan-daraasle ah ay ku dhaawacmeen madaafiicda ku dhacday xaruntii ay ka howlagaleen.

Ku dhowaad Todoba madfac ayaa ku dhacday gudaha dhismaha, iyadda oo sawiro laga soo qaaday ay muujinayaan burbur xoogan oo soo gaarey qaar kamid ah xafiisyadda Jamciyada Qurumaha ka dhaxaysa iyo kuwa kale.

Nicholas Haysom, ayaa si xoogan ugu cambaareeyay Al-Shabaab talaabada ay kusoo weerartay dhismaha ugu muhiimsan howlgalka UN-ka ee caasimada dalka.

"Weerarka tooska ah ee lagu soo qaaday dhismaha ugu muhiimsan Qaramada Midoobay ee Muqdisho wuxuu xad-gudub ku yahay sharciga caalamiga ah ee Bani’aadanimadda,” ayuu yiri Heysom, sida laga soo xigtay bayaanka.

War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska UNSOM ee Muqdisho oo aanan lagu xusin dalalka ay kasoo jeedaan dhibanayaasha ayaa tibaaxay inaanu jirin mid kamid ah dadka dhaawacmay oo ay xaaladoodu halis tahay.

"Ma jiro Ajenda siyaasadeed oo si ola kac ah loogu beegsado shaqaalaha hay’addaha caalamiga ah oo ka shaqaynaya isku dheelitirka nabadda iyo xoojinta hay'adaha dowliga ah ee Soomaaliya,” ayuu raaciyay wakiilka.

Ugu dambeyntii, Danjire Heysom ayaa soo kabasho deg deg ah wuxuu urajeeyay shaqalaha dhaawacmay, kuwaasi oo xogta la helayo ay tibaaxayso in lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad Isbitaal ku dhex-taalo xerada Xalane.

Laamaha amniga ee dowladda Federaalka Soomaaliya ilaa iyo haatan kama aysan hadlin dhacdadani, inkasta oo xiriiro lala sameeyay ay ka gaabsadeen inay bixiyaan fahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan.

Weerarka Hoobiyeyaasha oo aanan la ogayn halka laga soo gannay waxay kusoo aadayaan iyadda oo Isgoysyada waawayn ee caasimada ay buux-dhaafiyeen ciidamo Boolis ah, oo gawaarida baaraya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM