Xasan Cali Khayre oo si adag uga hadlay heshiiskii Itoobiya & Somaliland

Image
Itoobiya iyo Somaliland ayaa maanta kala saxiixday heshiis muran dhaliyay.

Muqdisho, Soomaaliya - Siyaasiga Mucaarad-ka ah, horayna u ahaa Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, ayaa soo saaray warsaxaafadeed uu kaga hadlayo heshiiskii ay dowladda Itoobiya maanta la gashay maamulka Somaliland.

Khayre ayaa yiri, “Waxaan si xooggan u cambaareynayaa heshiis ku sheegga ay Addis Ababa ku gaareen ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed iyo madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kaas oo ah xadgudub weyn oo lagula kacay Qarannimada Soomaaliya.’

Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa soo hadal qaaday xiriirka ka dhaxeeyo Itoobiya iyo Soomaaliya, isaga oo sheegay in aanay la aqbali karin in Addis Ababa ay maanta ku tallaabsato qaadashada qeyb ka mid ah biyaha Soomaaliya.

“Hadii aan nahay madax iyo shacabba, waa in aan u midownaa kahor tagga tallaabadan ay Itoobiya isuga dayayso qabsashada qeyb ka mid ah biyaheena, sidoo kalana lagu tir tirayo mabaadii’dii lagu aasaasay ururka Midowga Afrika, gaar ahaan Qodobka 4aad, faqraddiisa B.”

Khayre ayaa ugu baaqay madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay arrintan ay si degdeg ah ugu bixiyaan jawaab u qalanta, isaga oo xusay in madaxda dalka ay mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta midnimada, dhulka iyo badda Soomaaliya.

Itoobiya iyo Somaliland ayaa maanta kala saxiixday heshiis u gogol xaaraya in Itoobiya ay dekad ku yeelato badda cas, sida uu ku dhawaaqay xafiiska ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo billowday ololaha oorashadda Gudoomiyaha cusub ee Gollaha Shacabka

Qaar kamid ah siyaasiyiinta damacsan xilalka cusub ayaa sidoo kale wajahaya caqabado gudaha beelahooda ah.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 05:37AM

Beesha caalamka oo wadahadallo la yeelatay mucaaradka si loo xalliyo ismari-waaga doorashada

Ka qaybgalka Deni iyo Madoobe ayaa muujinaysa doorka muhiimka ah ee Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka ay ku leeyihiin wadatashiyadan

  • Soomaliya

    18-05-2026

  • 02:18PM