Xasan Cali Khayre oo si adag uga hadlay heshiiskii Itoobiya & Somaliland

Image
Itoobiya iyo Somaliland ayaa maanta kala saxiixday heshiis muran dhaliyay.

Muqdisho, Soomaaliya - Siyaasiga Mucaarad-ka ah, horayna u ahaa Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, ayaa soo saaray warsaxaafadeed uu kaga hadlayo heshiiskii ay dowladda Itoobiya maanta la gashay maamulka Somaliland.

Khayre ayaa yiri, “Waxaan si xooggan u cambaareynayaa heshiis ku sheegga ay Addis Ababa ku gaareen ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed iyo madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kaas oo ah xadgudub weyn oo lagula kacay Qarannimada Soomaaliya.’

Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa soo hadal qaaday xiriirka ka dhaxeeyo Itoobiya iyo Soomaaliya, isaga oo sheegay in aanay la aqbali karin in Addis Ababa ay maanta ku tallaabsato qaadashada qeyb ka mid ah biyaha Soomaaliya.

“Hadii aan nahay madax iyo shacabba, waa in aan u midownaa kahor tagga tallaabadan ay Itoobiya isuga dayayso qabsashada qeyb ka mid ah biyaheena, sidoo kalana lagu tir tirayo mabaadii’dii lagu aasaasay ururka Midowga Afrika, gaar ahaan Qodobka 4aad, faqraddiisa B.”

Khayre ayaa ugu baaqay madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay arrintan ay si degdeg ah ugu bixiyaan jawaab u qalanta, isaga oo xusay in madaxda dalka ay mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta midnimada, dhulka iyo badda Soomaaliya.

Itoobiya iyo Somaliland ayaa maanta kala saxiixday heshiis u gogol xaaraya in Itoobiya ay dekad ku yeelato badda cas, sida uu ku dhawaaqay xafiiska ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo Gacanta Ku Dhigtay Xarunta Dhexe ee ISIS ee Dooxada Miraale

Taliska ciidamada Puntland ayaa ballan qaaday in ay dhawaan faahfaahin dheeri ah ka bixin doonaan khasaaraha ka soo gaaray ISIS.

  • Soomaliya

    31-05-2025

  • 11:22AM

Safiir Hore oo Mareykan ah: Soomaaliya Waxaa Hortaagan Qabyaalad iyo Khilaaf Siyaasadeed

Digniinta Andre ayaa ku soo beegmeysa xilli ay Soomaaliya wajahayso marxalad kala guur ah, doorashooyin soo socda iyo xaalad amni oo wali aad u liidata.

  • Soomaliya

    29-05-2025

  • 02:48PM