Xasan Khayre: Waa in la joojiyo cabsi-gelinta Bajaajleyda Muqdisho

Image
Ra'iisul Wasaarihii hore Soomaaliya ayaa ciidamada qaranka ugu baaqay in ay ka fogaadaan siyaasadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaarihii hore Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa si kulul uga hadlay qaabka ay ciidamadda dowladda uga dhaqmeen Bajaajleyda maanta ku banaanbaxdey Muqdisho.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA KHAYRE

Waxaan ka xumahay oo aan cod dheer ku cambaareynayaa weerarkii gardarrada ahaa ee maanta ciidanka dowladdu ku qaadeen dhallinyaro bajaajlayaal ah oo ka banaanbaxayay lacago dulsaar ah oo ay dowladdu ku soo kordhisay.

Bajaajlayaashu waa muwaadiniin canshuur-bixiyayaal ah, xaq dastuuri ah ayayna u leeyihiin in ay bannaanbaxaan oo ay si nabdoon u soo gudbiyaan dareenkooda. Waxaana ayaandarro ah in rasaas noolnool lagu weeraro, lana xirxiro. 

Waxaan la damqanayaa oo aan dareenka la qeybsanayaa bajaajlayaashii ay maanta dowladdoodu weerartay, halkii ay ka sugayeen in ay ka jawaabto cabashadooda. Waxaana Alle caafimaad u waydiinayaa dhallinyaradii weerarkan ku dhaawacantay iyagoo raadsanaya xaqooda dastuuriga ah. 

Waxaan madaxda dalka ugu baaqayaa in ay ka joogsadaan cabsigelinta iyo caburinta bajaajlayaasha, si degdeg ah oo shuruud la’aan ahna loo soo daayo dhallinyaradii maanta la xirxiray.

Sidoo kale, waxaan ciidamada qaranka ugu baaqayaa in ay ka fogaadaan siyaasadda, ilaaliyaan, una turaan shacabka Soomaaliyeed ee duruufaha adag la daalaadhacaya.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM