Xasan Khayre: Waa in la joojiyo cabsi-gelinta Bajaajleyda Muqdisho

Image
Ra'iisul Wasaarihii hore Soomaaliya ayaa ciidamada qaranka ugu baaqay in ay ka fogaadaan siyaasadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaarihii hore Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa si kulul uga hadlay qaabka ay ciidamadda dowladda uga dhaqmeen Bajaajleyda maanta ku banaanbaxdey Muqdisho.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA KHAYRE

Waxaan ka xumahay oo aan cod dheer ku cambaareynayaa weerarkii gardarrada ahaa ee maanta ciidanka dowladdu ku qaadeen dhallinyaro bajaajlayaal ah oo ka banaanbaxayay lacago dulsaar ah oo ay dowladdu ku soo kordhisay.

Bajaajlayaashu waa muwaadiniin canshuur-bixiyayaal ah, xaq dastuuri ah ayayna u leeyihiin in ay bannaanbaxaan oo ay si nabdoon u soo gudbiyaan dareenkooda. Waxaana ayaandarro ah in rasaas noolnool lagu weeraro, lana xirxiro. 

Waxaan la damqanayaa oo aan dareenka la qeybsanayaa bajaajlayaashii ay maanta dowladdoodu weerartay, halkii ay ka sugayeen in ay ka jawaabto cabashadooda. Waxaana Alle caafimaad u waydiinayaa dhallinyaradii weerarkan ku dhaawacantay iyagoo raadsanaya xaqooda dastuuriga ah. 

Waxaan madaxda dalka ugu baaqayaa in ay ka joogsadaan cabsigelinta iyo caburinta bajaajlayaasha, si degdeg ah oo shuruud la’aan ahna loo soo daayo dhallinyaradii maanta la xirxiray.

Sidoo kale, waxaan ciidamada qaranka ugu baaqayaa in ay ka fogaadaan siyaasadda, ilaaliyaan, una turaan shacabka Soomaaliyeed ee duruufaha adag la daalaadhacaya.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM