"Shabaab way na diloohaayaan, annaga waa diloohaynaa" - XSM

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadalkan ka sheegay furitaanka shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka dhigay in maamulkiisa uu dejiyey "barnaamij dalka oo dhan looga xoreynayo" dagaalameyaasha Al-Shabaab ee xiriirka ururka la leh Al-Qaacida.

isaga oo ka hadlayay furitaanka shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed ee ka furmay Baydhabo, madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in waaya-aragnimo badan ay ka dhax-leen wajiga koowaad ee gulufka.

“Wejiga labaad ee howlgalka Ciribtirka Khawaarijta ayaa dhawaan ka billaabanaya deegaanada Koonfur Galbeed. Waayo aragnimada aan ka helnay wejigii koowaad ee dagaalku waxa uu soo bandhigay itaal yarida Kooxda, Waqti ka yar kii hore ayaana kaga soo jeesandoonna wejiga cusub," ayuu yiri.

Shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed oo ka kooban laba waji ayaa kan koowaad lagu soo afjarayaa tabashooyinka shaqsiga ah, halka wajiga labaad la guda geli doono arrimaha siyaasadda.

"Hal cadow ayaan leenahay waana argagixisada Al-Shabaab; wuu na diloohaayaa, anagana waa diloohaynaa. Dowladdu waxay sameysay qorshe dalka lagaga xoreynayo, wajigii koowaad ayaa hadda gabo-gabo ah, wajiga Labaadna waxaa ugu horreysa Koonfur-galbeed," ayuu Xasan Sheekh sii raaciyey.

Dhinacyada siyaasadda Koonfur Galbeed ayuu ku waaniyay in ay diiradda saaraan xasilinta dalka, la dagaalanka Al-Shabaab iyo xoreynta degaanada ay maleyshiyadda wali gacanta ku hayso.

“Dadka reer Koonfur-galbeed, hoggaankooda siyaasadeed, mucaarad ha ahaadaan ama muxaafad, odeyaashooda dhaqanka, dhallinyarada iyo dhammaan qeybaha bulshada rayidka ah, waxaan rabnaa in ay isla fariistaan oo mushkiladahooda xallistaan," ayuu xusay.

Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa badankiisa waxa uu haatan ka soconayaa gobolada HirShabelle iyo Galmudug halkaasoo lagu xoreeyay degaano ballaaran hase ahaatee ay hareer socdaan weerar gaadmo oo dhiig ku daatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM