​Xasan Sheekh oo Addis Ababa u dhoofay

Image

MUQDISHU, Somalia- Murashaxa Madaxweynaha dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta u dhoofay magaalada Addis Ababa ee xaurnta dalka Ethiopia.

Addis Ababa waxaa shir kuleh madaxda  Waddamada Africa.

Socdaalka Xasan Sheekh ayaa la sheegay inay la xiriirto sidii uu uga qayb gali lahaa kulankaas isagoo matalaya dowladda Somalia.

Shirka IGAD, waxaa looga hadli doonaa arrimo ay kamid yihiin Hiigsiga horumarineed Qaarada Africa ee 2063, Doorashada Guddoonka urur goboleedka IGAD oo ay sannadkan u sharaxan tahay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Kenya Amina Mohamed.

Waxaa lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo kulankaas oo uga warmo arrimaha Somalia iyo doorashooyinka socda.

Xasan Sheekh oo kamid ah ragga Sharaxan ayaa matalaya Somalia xilli waqtigiisu dhammaaday islamarkaana muddo kooban ka dhimantahay waqtigii loo asteeyay.

Safarkan ayaa yimid xilli uu xalay kulan la qaatay Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Barlamanka Somalia iyagoo kawada hadlay waxyaabo khuseeya dib u doorashadiisa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM