Xasan Sheekh: Al-Shabaab waa Kalluun ay biyihii ka gureen

Image
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay bannaan-baxa bulshada Muqdisho ay kaga soo horjeedaan Al-Shabaab.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeyb-galay bannaan-baxa bulshada Caasimadda Muqdisho ay kaga soo horjeedaan argagixisada Al-Shabaab.

Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyey gabagabada isu-soo-baxan ayaa waxa uu ka sheekeeyay "gumaadkii iyo mahadhooyinkii ay khawaarijtu u geysteen shacabka Soomaaliyeed".

Qaraxyadii Hotel Shaamoow, Hargaha iyo Saamaha, Soobbe1 iyo Soobbe 2, Ex-afgooye iyo "gumaad-wadeerdyo badan oo argagixisadu ay ku gumaadeen arday, culimmo, haween, dhakhaatiir iyo haldoor badan oo Soomaaliyeed oo waxtar u lahaa dalkeenna" ayuu soo hadal-qaadey.

"Shabaab waa Kalluun ay biyihii ka gureen, waxa ay ku dhex dhuumanayeen shacabka Soomaaliyeed, iyagiina waa diideen oo intaas ka badan uma dulqaadan karaan gumaad, baad iyo cabburin," ayuu tibaaxay.

Wuxuu hadalkiisa sii raaciyey: "Nimankan Alshabaab ah ilaa aad iska dhiciso kuuma arkayaan dad in aad tahay ee waxay kuu haystaan badeecad yar oo iyagu leeyihiin in aad tahay".

Duruufaha amni ee u gaarka ah Caasimadda Muqdisho iyo dadaalka dowladdu ay ku bixinayso sidii ay nabad iyo xasillooni ugu noolaan lahaayeen ayuu si gaar ah isu-dul-taagay.

Bulshada ku dhaqan magaala madaxda Soomaaliya ayuu ku boorriyey baraarugga ay muujiyeen ee ka dhan ah argagixisada Alshabaab iyo garab istaagga halganka xoreynta dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kula dardaarmay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo dadka Caasimadda in ay la shaqeeyaan laamaha amniga, soona gudbiyaan xogta argagixisada ku dhex dhuumaaleysanaysa guryahooda iyo ganacsiyadooda, si looga hortago gumaadka iyo falalka arxan darrada ah ee khawaarijtu ay soo maleegayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM