Xasan Sheekh: Al-Shabaab waa ku jabeen dagaalka tooska ah

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadalkan wuxuu ka sheegay Madasha Heritage ee Jabuuti.

JABUUTI, Djibouti - Madaxweynaha dowladda federaalka ah Xasan Sheekh Maxamuud oo Talaadadii shalay wuxuu safar shaqo ku gaaray dalka Jabuuti ayaa ka qeybgalay xiriirka Madasha Aragti-wadaagga Heritage.

Madasha ayaa sanadkan waxaa lagu gorfeynayoy caqabadaha jira Gobolka oo ay ugu horreeyaan aragagixisada, Isbeddelka Cimilada iyo abaaraha soo noq-noqday ee aafeeyay gobolka.

"Ciidamada Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed waxa ay guulo muhiim ah ka gaareen dagaalka Khawaarijta, waxaa u dambeysay degmada Aadan Yabaale oo ay dadkeenna ku dhibi jireen maantase xor ah," ayuu Xasan yiri.

Wuxuu raaciyey: "Al-Shabaab waa ku jabeen dagaalka tooska ah. Alle mahaddi waxaan soo gaarnay heer dadkeennu ka doodayaan Shabaab kaddib dalka halkee loo jiheynayaa".

Guulaha ay dowlada ka gaarto dagaalka ka dhanka ah argagixisada, deegaannada laga xoreeyey iyo sida ay uga go'an tahay in la soo afjaro halista khawaariijta ayuu afka ku balaariyey inta uu hadlaayay.

Hogaamiyaha Soomaaliya oo soo hadal-qaadey abaaraha iyo saameynta ay ku yeelatay nolasha dadka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay shacabka in ay isku gurmadaan isna garab-sadaan.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa bogaadiyey guulaha laga gaaray argagixisada Alshabaab iyo deegaannada laga xoreeyey.

Ugu dambeyntii, Labada Madaxweyne ayaa shahaado sharaf waxay ka guddoomeen Machadka Heritage, "taas oo lagu maamuusayey doorka ay ka qaateen nabadda iyo xasilloonida Gobolka," ayay tiri Villada Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM