Xasan Sheekh: Astaan dowladnimo ayaa iiga muuqata Galmudug

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay xilli xarigga uu ka jaray dhismaha cusub ee xarunta Madaxtooyada Galmudug.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta Madaxtooyada Galmudug.

Xasan Sheekh ayaa, sidda ay sheegtay Villa Soomaaliya, waxa uu ku bogaadiyey madaxda dowlad-goboleedka Galmudug dadaalka xooggan ee ay galiyeen dhismaha xarumaha danta guud.

Hirgelinta mashruucan iyo halganka lagu xoreynayo deegaanada ku jira gacanta cadowga ayuu ku qeexay in ay ka turjumeyso go'aanka wanaagsan ee ay qaateen madaxda iyo shacabka Galmudug.

“Tallaabadan dhaxal reebka ahi waxa ay astaan u tahay halganka dhabta ah ee dadka reer Galmudug ugu jiraan hagaajinta mustaqbalkooda," ayuu u sheegay ka qeybgaleyaasha.

Wuxuu raaciyey: "Astaan dowladnimo iyo dad qaatay go'aan dhaxalgal ah ayaa iiga muuqata Galmudug waana halka aan dooneyno in aan u jiheyno guud ahaan dadkeenna".

Munaasabadda xarig jarka xarunta Madaxtooyada cusub ee Galmudug waxaa ka qayb galay Wasiirro iyo Xildhibaano heer federaal ah, Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Sidoo kale, waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowlad-goboleedka Galmudug, mas'uuliyiinta maamulka gobolka Galguduud iyo kan caasimadda Galmudug oo badankooda xafladan uga dhoofay caasimadda Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM