Xasan Sheekh: Dabar-goynta argagixisada waa xaqiijinta duni nabdoon

Image
Image
Image
Image
Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadalkan ka sheegay Jamaacadda LUISS Guido Carli ee Rome.

ROME, Talyaaniga - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu Khudbad ka jeediyay kulan dadweyne oo ka dhacay Jamaacadda LUISS Guido Carli University ee magaalada Rome.

Xasan Sheekh oo ku guda jira booqasho rasmi ah oo uu ku joogo dalka Talyaaniga ayaa hadal-jeedintiisa ku dul istaagay xiriirka taariikhiga ah ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay "halganka dowladda iyo shacabka soomaaliyeed ee ciribtirka Khawaarijta, qorshaha dowladda ee wax ka qabashada caqabadaha ka dhashay amni-darrada iyo colaadaha iyo fursadaha Maalgashi ee dalka ka jira".

Madaxweynaha ayaa "adkeeyay muhiimadda in loo midoobo dabar-goynta kooxaha argagixisada ah si loo xaqiijiyo duni nabdoon, horumarsan, caddaalad ah isla markaana si siman oo loo dhanyahay u wadaagta fursadaha jira".

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu hoosta ka xariiqay "in ay ka go’antahay sii xoojinta xiriirka qotadadheer ee labada dowladood iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Talyaaniga".

Dhinacyada amniga, xasilloonida iyo abuuridda jawi horumar guud oo dhan walba ah ayuu carabka ku adkeeyay in Soomaaliya dooneyso "si waafaqsan Qorshaha Horumarinta Qaranka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM