Xasan Sheekh: Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa dul taagan xujo adag

Image
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa ubax-dhigay tallada halgameyaashii SYL.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ubax-dhigay tallada Halgameyaashii SYL oo 80-sano ay ka soo wareegtay markii ay aas-aaseen dalladan xornimada u horseedday dadka Soomaaliyeed.

Talaabadan ayaa waxay ku saleysan tahay munaasabadda xuska aas-aaskii Dalladda Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL taasoo ku beegan maanta oo ah 15-ka bisha May, 2023.

Xasan Sheekh ayaa tilmaamay "in dalkeenna maanta ay haysato caqabad la mid ah tan ay ka xoreeyeen halgameyaashii SYL, taas oo ah argagixisada kusoo duushay nolasha iyo dowladnimada dadka Soomaaliyeed".

Dhallinyarada ku biiray Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed si ay dalka uga dulqaadaan Al-Shabaab ayuu bogaadiyey, waxaana uu dadka ugu baaqay in ay taageeraan ciidankaas.

"Dhallinyaradii SYL haddii ay ku guulaysteen in dadka Soomaaliyeed ay ka dulqaadaan heeryada gumeystaha, hormuudna u noqdaan dhaqdhaaaqyadii xoraynta dalalka Afrika," ayuu yiri.

Waxa uu raaciyey: "Maanta waxaa dhallinyaradeenna Soomaaliyeed dul taagan xujo adag oo ah in ay dalkooda ka xoreystaan khawaarijta xasuuqday dadkeenna, noloasha iyo dowladnimadana u diiday dalkeenna".

Xasan Sheekh ayaa xusay muhiimadda ay dowladdu siinayso dhallinyarada, iyadoo kor loo qaaday doorkooda iyo shaqo-u-abuurka, waxa uuna ku bogaadiyey sida ay qeybta uga qaadanayaan xaqiijinta Soomaali Heshiis ah, Dunidana Heshiis la ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM