Xasan Sheekh iyo Farmaajo oo kulmay xilli ay xasarad taagan tahay

Image
Kulankaan ayaa u muuqda mid Madaxtooyadda Somaaliya ku muujineysay inuu jiro isu dhawaansho.

DOOXA, Qadar - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dalka Qatar waxa uu kula kulmay madaxweynihii hore ee dowladda federaalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula kulmay magaalada Doha Madaxweynihii Hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay ka wada hadleen xaaladda dalka iyo duruufaha ku xeeran," ayuu yiri xafiiska Xasan Sheekh.

Qoraalka ayaa intaas ku daray: "Madaxweynaha ayaa dul istaagay guulaha wax-ku-oolka ah ee dowladdu ay ka xaqiijisay dagaalka ka dhanka ah argagixisada, ka mirdhalinta dadaaladii deynta cafinta iyo qaadista cunaqabateynta hubka, isagoo ammaanay sida shacabka, masuuliyiinta iyo madaxda Soomaaliyeed kuwii hore iyo haddaba ay ugu midoobeen difaaca madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, shacab iyo dhulba".

Kulankaan ayaa waxa uu yimid xilli Farmaajo saacado ka hor soo saaray qoraal uga digayo Madaxweyne Xasan Shiikh inuu wax ka badal ku sameeyo Dastuurka Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, qoraalka ka soo baxay Villa Somalia oo lagu shaaciyey kukankaan ma sheegin in labada Madaxweyne ay si toos ah uga wada hadleen arrintan.

Kulankaan ayaa waxa uu u muuqdaa mid Madaxtooyadda Somaaliya ku muujineysay inuu jiro isu dhawaansho siyaasadeed ee u dhexeeya madaxda hadda talada haysa iyo kuwii xafiiska uga horeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM