Xasan Sheekh iyo furimaha dagaalka: Boor isku qarin mise dagaal dhab ah?

Image
Su'aasha waxa tahay: maxaa isbedelay hadda, maxayse tahay sababta uu Madaxweynaha ugu soo noqday jiidda hore?

MUQDISHO, Soomaaliya - Su'aallo iyo tuhun xooggan ayaa ka dhashay sababta madaxweynaha Soomaaliya dib ugu laabtey furimaha dagaalka maalmo kahor kalfadhiga baarlamaanka labadiisa aqal.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa todobaadkii hore tagay degaanka Wargaani halkaas oo labo maalmood uu u joogay wax uu xafiiskiisa warfaafinta ku tilmaamay "la kulanka saraakiisha ciidamadda".

Balse khuburada amniga iyo mucaaradka ayaa tuhunsan in madaxweynaha uusan daacad ka ahayn gulufka. Cabdisalaam Guuleed ayaa kamid ah dadka naqdinaya ololahan.

HOOS KA AKHRISO QORAAL UU QORAY CABDISALAM

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa mar kale lagu arkay jiidaha hore ee dagaalka, isagoo ku labisan dareeska ciidamada.

Dhamaadkii 2022 iyo ilaa 2023, dowladda Soomaaliya oo taageero ka heleysa bulshooyinka ayaa ku guuleystay in Al-Shabaab laga xoreeyo boqollaal dhul oo kiiloomitir.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda ayaa markii dambe baneysay 16 magaalo oo muhiim ah, iyo tuulooyin ka tirsan dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle oo ay ku waayeen dhowr taliye oo muhiim u ahaa ciidanka XDS, taasoo loo aaneynayo xeelad iyo diyaargarow la’aan.

Tani waxay dhalinaysaa su'aasha: maxaa isbedelay hadda, maxayse tahay sababta uu Madaxweyne HSM ugu soo noqday jiidda hore?

Dadka dhaliila ayaa ku doodaya in Madaxweynaha uu isku dayayo in uu ka baxsado indha-indheynta siyaasadda, waxaana ay ku doodayaan in aanu weligii daacad ka ahayn dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM