Xasan Sheekh: Labo qorshe taariikhi ah baan isku barbar wadnaa

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sagootiyey ciidamadii lagu soo tababaray Eritrea oo ku biiray gulufka Al-Shabaab.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka saagootiyey Xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho cutubyo ka tirsan Guutada Gantaal ee Ilaalo Qaran oo ka qeyb-galaya dagaalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Al-Shabaab.

Xasan Sheekh oo ciidamada u jeediyay khudbad isugu jirtay dardaaran, dhiirri-galin iyo guubaabo ayaa u sheegay rajada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan in ay dhammeystiraan gabar-goynta argagixisada.

Ciidamadda ayuu cod dheer ku faray in ay ilaaliyaan hab-dhaqanka iyo shuruucda ciidamada si ay u xaqiijiyaan kalsoonidda iyo hiilka shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, madaxwayne Xasan Sheekh ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay "guulaha isdaba-joogga ah ee Ciidamada Qalabka Sida ay ka soo hoyeen furimaha dagaalka.

Dowladda Soomaaliya ayuu ka dhawaajiyay in ay isku barbar waddo labo qorshe oo taarikhi ah, "kuwaas oo ku saleysan in gacan lagu cirib taro argagixisada, gacanta kalena dib loogu dhiso Ciidamada Qaranka".

"Cadowgaas waa dhintey, mid cusubna waa la sugayaa, aan waqtiga usoo gaabino yaynaa nala sii joogin," ayuu raaciyey. "Balanteenu waa Soomaaliya oo Khawaarij la'aan ah, ma isla qaadaney?"

Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isla xerada dhexdeeda waxa uu kulan gaar ah la qaatay saraakiisha hoggaaminaysa ciidankan.

Waxa uu la wadaagay sida ay uga go'an tahay in ay dadka Soomaliyeed ka dulqaadaan cadawgan curyaamiyey nolashooda, iyagoo soo bandhigay nafhurnimada iyo geesinimada ay ku tilmaaman yihiin Ciidamada Soomaaliyeed.

Ciidamadan uu sagootiyey madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ah askartii lagu soo tababaray Eritrea in ka badan muddo shan sano ah, waxaana bilooyinkii lasoo dhaafay ay ku jireen diyaar-garow iyo abaabulkii ee lagu dhameystirayo saanadooda ciidanimo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM