Xasan Sheekh: Madaxda DF saan-saan aan fiicneyn ayaa kasoo muuqata

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya ahna murashax doorashooyinka horaanta 2020 iyo dhamaadka 2021, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku eedeeyay Villa Soomaaliya in ay rabto in aysan qaban doorasho daahuran.

Isagoo ka hadlayey maalinta afaraad ee Shirka Midowga Murashaxiinta, Xasan ayaa ka dhawaajiyey in dowladda haatan jirta ay ku sameysay xadgudub si ay dagaal u huriyaan balse wuxuu sheegay in ay dulqaad muujiyaan.

Inkasta oo uu carabka ku dhuftay in dulqaadka uu xad leeyahay, haddana wuxuu ku nuux-nuuxsaday in aysan marnaba diyaar u ahayn in dalka qalalaase geliyaan, taas bedelkeeda wuxuu xusay in madaxda haatan joogta ay sidaas rabaan.

"Waxaa la yiraahdaa qoriga sidiisaba wax ma dilo qofka sitaa wax dila. Dowladda iyaddaa qoryaha haysato, dadkana yaaney dilin, in dadka ay dilkaas ka jawaabaan yaaney sababin talada ayadda ayay jirtaa amniga, deganaanshiyaha mas'uuliyadda dadka ka saarey ayaga waaye, hadii dowladda ay iyadda sababto oo in ay wax ku dheesho damacdo dee mas'uuliyada un bey qaadeysaa annagana waa sheegeynaa bedelkan in uu dagaal ka dhaco kama talineyno, horey ugama soo talin haddana kama talineyno," ayuu ayuu ka shanqariyey.

Hogaamiyaha Xisbiga Midowga Nabada iyo Horumarka ayaa ku daray "Laakiin nimankaanaa [madaxda dowladda federaalka] ayay saan-saan aan fiicneyn kasoo muuqataa, dhaqankooda dhaqan fiican ma ahan Soomaali ayaan nahay waddankan ayaan soo joognay, dadkan waan ognahay dulqaadkood waa ognahay nimankan dhaqanka kasoo muuqda dhaqan fiican ma aha nee nala arka.

"Waxaas oo dhan waxaan u sameyno waxay tahay dhib in la yareeyo, wanaagana in la qurxiyo," ayuu Xasan kusoo gabagabeeyay hadalkiisa.

Shirka Murashaxiinta oo lagu waddo in Arbacada maanta ah lasoo gabagabeeyo isla markaana laga soo saaro war-murtiyeed ayaa yimid markii Villa Soomaaliya ay faragelisay xulista xubnaha guddiyada doorashooyinka ee saddex maamul.

Xubnaha ka yimid Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle ayaa la sheegay in dowladda ay ka dhigtay saraakiil sirdoon iyo jamaahiirta Madaxtooyadda. Tani waxay sababtay in murashaxiinta codsadaan in xubnahaas meesha laga saaro.

Is-qabqabsiga ayaa u muuqda mid sii daba-dheeraan doona maadaama daraf walba ku adkeysanayo mowqifkiisa isla markaana aysan jirin saan-saan isu soo dhowaanshiyo taas oo burburineysa jadwalka doorashooyinka ee lagu balamay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM