Xasan Sheekh maka garnaqi karaa gaboodfaladdii shanta sano ee Farmaajo?

Image

FAALO: Waxaa dhacay isbadel hoggaan oo ku yimid baaqyo iyo dalabyo buuraha ka culus oo shacab iyo siyaasiyiinba ka yimid oo ku salaysan helista xaqsoor , caddaalad iyo waxa loo yaqaano sareynta sharciga kadib 5 sano oo ku takri fal awoodeed iyo ku tumasho sharci ah. 

Wax kaleba ha joogtee waxaa ciriiri la galiyay xaqa ka qeybgalka siyaasadda iyo xaqa isu soo baxyada oo ka mid ah kuwa asaasiga ah ee ku xusan axdiga Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha.

Meel kasta aad taabato waa mid damqaysa bulshada Soomaaliyeed iyo dowladnimadii la dhoodhoobayay ee Soomaalida, ma waxaad dhahdaa qaddiyaddii wadahadalada Somaliland oo ahayd nabar muddo la dhayayay, ma waxaad dhahdaa nidaamkii federaalka ee markii horeba usha booca ah ku tukabayay, mise dib u heshiisiintii beelaha ee dhawr iyo tobonka shir lagu soo jilbi murxay?.

Dhanka curfiga dowladnimada iyo kan dublamaasiyadda ayaa sidoo kale uu soo gaaray dhaawac ay adagtahay in la dhayo, waxaana safka hore soo galaya hay’addii sharci dajinta ee dalka ugu sareysay ee baarlamaanka oo la gaarsiiyay garaafooyin iyo jaho wareer muddo badan qaadan doonto in la soco. Sidoo kale waxaa waqti badan qaadan doonta in lasoo celiyo kalsoonidii Qaramada Midoobay ay ku qabtay dowladda Soomaaliya kadib si aan ka fiirsi lahayn loo bahdilay ergeygii xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Soomaaliya u qaabilsanaa, Nicholas Haysom. 

Haddaba waxa ay dad badan isweeydiinayaan sida hoggaanka cusub ee uu Xasan Sheekh Hoggaaminayo uga garnaqi doonaan waxyaabihii dhacay oo raadkooda qoyanyahay iyo dadkii sameeyay oo weli usoo hanqal taagaya xil dowladeed sii hayaan?.

Markii 15-kii Bishan teendhada Afisiyoone lagu doortay madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay in aysan jirin wax ka aarsi siyaasadeed ah oo dalka ka dhici doona, balse waxa uu carrabka ku adkeeyay in sharciga dalka loo mari doono wax kasta oo ka dabo-tag ah.

Arrimaha qaar waa kuwa degdeg ah oo ku dhammaan doona hay’adaha garsoorka, inkasta oo iyaga laftooda loo baahanyahay in wax laga qabto habacsanaanta ka jirta, lana qabyo tiro, gaar ahaan in la sameeyo Guddiga Adeegga Garsoorka.  Arrimahan waxaa ka mid ah kiiskii Ikraan Tahliil oo ahayd sarkaalad sare oo ka tirsanayd NISA, taas oo lagu tuhmayo gacanta hay’addan.

Ra’isulwasaaraha xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo doorashada kadib si furan uga hadlay kiiskan, ayaa sheegay in uu aaminsanyahay in ay gabadhani ku maqantahay gacanta hay’adda, isagana laga hor istaagay in uu ka salgaaro, hase yeeshee uu aad ugu dhowaaday saldhigga arrinka dilka.

Macluumaadka uu hayo Ra’isulwasaaraha waa meel aad u wanaagsan oo xukuumadda soo socota iyo madaxweynahaba ay ka ambo qaadi karaan baaritaanka kiiska, waana halka laga ogaan doono illaa heerka dowladdani ay tahay mid u heelan ka miro dhalinta himilooyinkii loo doortay oo ahaa Caddaalad, sida aan kusoo sheegnay tuducii koowaad ee faalada. 

Garaawshiyo

Waxyaabaha qaar waxa dowladdan cusub looga baahanyahay garoowshiyo iyo sixid , kadibna horey looga socdo, waxaana tusaale koowaad ka ah arrinta gobolka Gedo oo ah mid luqunta iyo lugaha isaga maran oo ay adagtahay in hal qaab lagu wajoho.

Waxay u baahantahay in wixii dhacay la qiro in ay qalad yihiin, kadibna loo galo dib u heshiisiin iyo sixid, iyada oo aanan marnaba meesha laga saaraynin tabashooyinka dhabta ah ee dadka deegaanka.

Waxaa kale oo safkan ku jira arrimihii ka dhacay Koonfur Galbeed. Halkani waa in ay magdhow iyo caddaalad helaan eheladii dadkii sida arxag darada ciidanka dowladda ugu laayeen Baydhabo, balse taasi waa in aysan horseedin qalqal siyaasadeed oo cusub.

Madaxweynaha cusub wuxuu marar hore u balanqaaday, gaar ahaan isaga oo la hadlay shabakadan Garowe Online, in uu soo siideyn doono siyaasiga Mukhtaar Rooboow, balse dad badan waxa ay ka filayaan in taasi aysan qalqal amni iyo mid siyaasadeed oo horleh u horseedin Koonfur Galbeed oo hadda haysata xasilooni siyaasadeed.

Gebogebo

Si kastaba ha ahaatee, taxa diiwaanka hawlaha u yaala dowladdan cusub waa mid aad u dheer, balse waxa ay wax kasta ku xirnaan doonaan labo qodob oo waaweyn, oo kala ah doonista siyaasadeed ee hoggaanka cusub iyo dadka qeybta ka noqda dowladdan ee sida gaarka ah u quseyn doonto furdaaminta hawlaha aan kor kusoo sheegnay.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM

Magaalooyinka Soomaaliya ee Turkiga kasoo saarayo shidaalka

Soomaaliya ayaa horraantii bishii Maarso heshiis cusub oo shidaal iyo gaas ah la saxiixatay Turkiga.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 05:44AM