Xasan Sheekh Maxamuud oo digniin adag u diray saraakiisha booliska

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa caddeeyay isla xisaabtan ay ka dhalan doonto cid kasta oo lagu qabto falkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer shaqo ku tagay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku adkeeyey hirgelinta, horumarinta shuruucda dalka iyo ladagaallanka Musuqa iyo isticmaalka Maandooriyaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warbixinno ku saabsan qaab dhismeedka, hannaanka shaqo, qorshaha furan ee dib u habaynta iyo tirakoobka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka dhageystay qeybaha kala duwan ee hoggaannada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh oo bogaadiyey guulaha muuqda ee ay ku tallaabsadeen Ciidanka Booliska ayaa Sarakiisha iyo taliskoodaba ku adkeeyey in ay hirgaliyan ku dhaqanka xeerarka iyo siyaasadaha la dajiyey si loo ilaaliyo sharafta Ciidanka iyo bulshada, loona abuuro iskaashi sal adag leh oo qeyb weyn ka qaato amniga dalka iyo bad qabka carruurta iyo haweenka Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM