Xasan Sheekh Maxamuud oo digniin adag u diray saraakiisha booliska

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa caddeeyay isla xisaabtan ay ka dhalan doonto cid kasta oo lagu qabto falkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer shaqo ku tagay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku adkeeyey hirgelinta, horumarinta shuruucda dalka iyo ladagaallanka Musuqa iyo isticmaalka Maandooriyaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warbixinno ku saabsan qaab dhismeedka, hannaanka shaqo, qorshaha furan ee dib u habaynta iyo tirakoobka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka dhageystay qeybaha kala duwan ee hoggaannada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh oo bogaadiyey guulaha muuqda ee ay ku tallaabsadeen Ciidanka Booliska ayaa Sarakiisha iyo taliskoodaba ku adkeeyey in ay hirgaliyan ku dhaqanka xeerarka iyo siyaasadaha la dajiyey si loo ilaaliyo sharafta Ciidanka iyo bulshada, loona abuuro iskaashi sal adag leh oo qeyb weyn ka qaato amniga dalka iyo bad qabka carruurta iyo haweenka Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM