Xasan Sheekh Maxamuud oo ku wajahan magaalada Boosaaso

Image
Socdaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli Imaaraadka xoojiyey joogitaankiisa xarunta gobolka Bari.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku wajahan xarunta ganacsiga dowladda Puntland ee Boosaaso, sidda uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online.

Sidda ay xogta muujineyso, Xasan Sheekh ayaa u tagaya xarunta gobolka Bari si uu uga qeybgalo daahfurka mashruuc lagu balaarinayo garoonka diyaaradaha magaaladan dekadda leh.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay GO in qandaraaska balaarinta ay wada fulinayaan shirkad laga leeyahay Imaaraadka Carabta iyo xubno ka tirsan qoyska madaxwayne Saciid Deni.

"Madaxweynaha Soomaaliya ayaa laga yaabaa in mudada uu joogo Boosaaso uu kormeero xerada ciidamada PMPF halkaasoo ay u badan tahay in tababar looga furo ciidamo heer federaal ah," ayuu GO u sheegay qof ka warqaba qadiyadan.

Ciidamadda Puntland Marine Police Forces - PMPF - ayaa waxaa si gaar ah u tababaray Imaaraadka Carabta. Waajibaadkooda waxaa kamid ah sugida amniga iyo la dagaalanka argagixisadda.

Socdaalka Xasan Sheekh ee Boosaaso ayaa kusoo beegmaya xilli bilooyinkii lasoo dhaafay ay Abu Dhabi kordhisay joogitaankeeda xarunta gobolka Bari halkaasoo ay geysay ciidamo dheeri ah.

Sawirro iyo muuqaalo lagu faafiyey baraha bulshadda ayaa muujiyey diyaarado milatari oo garoonka Boosaaso kasoo dajinaya gaadiid gaashaaman iyo teedhooyinka guur-guura.

Talaabadan ayaa kusoo hagaagaysa xilli Puntland ay bilooyinka soo aadan galayso xaalad kala guur ah maadaama uu gabaabsi yahay muddo xileedka Deni ayna shacabka uga digeen damaciisa ku darsiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM