Xasan Sheekh Maxamuud oo ku wajahan magaalada Boosaaso

Image
Socdaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli Imaaraadka xoojiyey joogitaankiisa xarunta gobolka Bari.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku wajahan xarunta ganacsiga dowladda Puntland ee Boosaaso, sidda uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online.

Sidda ay xogta muujineyso, Xasan Sheekh ayaa u tagaya xarunta gobolka Bari si uu uga qeybgalo daahfurka mashruuc lagu balaarinayo garoonka diyaaradaha magaaladan dekadda leh.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay GO in qandaraaska balaarinta ay wada fulinayaan shirkad laga leeyahay Imaaraadka Carabta iyo xubno ka tirsan qoyska madaxwayne Saciid Deni.

"Madaxweynaha Soomaaliya ayaa laga yaabaa in mudada uu joogo Boosaaso uu kormeero xerada ciidamada PMPF halkaasoo ay u badan tahay in tababar looga furo ciidamo heer federaal ah," ayuu GO u sheegay qof ka warqaba qadiyadan.

Ciidamadda Puntland Marine Police Forces - PMPF - ayaa waxaa si gaar ah u tababaray Imaaraadka Carabta. Waajibaadkooda waxaa kamid ah sugida amniga iyo la dagaalanka argagixisadda.

Socdaalka Xasan Sheekh ee Boosaaso ayaa kusoo beegmaya xilli bilooyinkii lasoo dhaafay ay Abu Dhabi kordhisay joogitaankeeda xarunta gobolka Bari halkaasoo ay geysay ciidamo dheeri ah.

Sawirro iyo muuqaalo lagu faafiyey baraha bulshadda ayaa muujiyey diyaarado milatari oo garoonka Boosaaso kasoo dajinaya gaadiid gaashaaman iyo teedhooyinka guur-guura.

Talaabadan ayaa kusoo hagaagaysa xilli Puntland ay bilooyinka soo aadan galayso xaalad kala guur ah maadaama uu gabaabsi yahay muddo xileedka Deni ayna shacabka uga digeen damaciisa ku darsiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jawiga uu maanta ku furmay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey furitaanka kulankan isha lagu hayo.

  • Soomaliya

    14-05-2024

  • 03:59PM

Imaaraadka Carabta oo qaatay gaadiid ka yaallay xerada Jeneraal Gordan

Baabuurtan qaarkood duugowday ayaa laga baqay in ay u gacan-galaan dagaalameyaasha Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    14-05-2024

  • 04:27AM