Xasan Sheekh Maxamuud oo ku wajahan Mareykanka

Image
Madaxwaynaha dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu tago Washington DC iyo Minnesota.

WASHINGTON, USA - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in dabayaaqada bishan December uu booqasho ku tago magaaladda Minneapolis ee dalka Mareykanka, sidda ay xaqiijiyeen illo muhiim ah.

Xasan Sheekh ayaa la filayaa in uu khudbad u jeediyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota, oo ah kuwa ugu ballaaran dhigooda kasoo jeeda Afrika, isagoo kula hadlaya xarunta shirarka ee Minneapolis.

"Waan ku faraxsanahay inaan martigelinno mudanaha 15-ka December," ayay tiri Ifraax Cabdullaahi, maareeyaha shaqooyinka xarunta dib u dejinta Soomaalida, kana mid ah qabanqaabiyeyaasha booqashada madaxweynaha.

Hogaamiyaha Soomaaliya ayaa booqan doona Minneapolis kadib safar uu ku tagayo Washington, halkaas oo Joe Biden uu ku martigelinayo Shir Madaxeedka Mareykanka iyo Afrika inta u dhexeysa 13-ka illaa 15-ka December.

"Waxaa la filayaa inay ka soo qeybgalaan Hogaamiyaasha Midowga Afrika iyo 49 dal oo lagu casuumay oo ay ku jirto Soomaaliya," ayay raaciyeen illo wareedyadda.

Xasan Sheekh ayaa horay u soo noqday madaxweynaha Soomaaliya intii u dhaxeysay 2012 ilaa 2017 ka hor inta uusan ku guuleysan muddo xileedka kale oo uu xafiiska la wareegay May 2022.

Booqashadiisa Convention Center ayaa waxay noqoneysa safarkii ugu horreeyay ee madaxweynaha xil ka haya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya uu ku tago Minneapolis tan iyo 2014.

Socdaalkaas ayaa sidoo kale wuxuu daba socday shir madaxeedka Mareykanka iyo Afrika. Kalkaas waxaa madaxwayne ahaa Barack Obama. Hadal-jeedintiisa madashaas, Xasan ayaa ammaanay Soomaalida Ameerikaanka ah.

Waa markii labaad oo madaxwayne Xasan Sheekh uu booqanayo Mareykanka tan iyo markii dib loo doortey bishii May, 2022. Safarkiisa koowaad wuxuu kaga qeybgalay shir-madaxeedka loo-dhan-yahay ee Qaramada Midooabay.

Intii uu joogay Ameerika, madaxwaynaha ayaa la kulmay dhigiisa Joe Biden iyo wasiirka gaashaandhiga Mareykanka. Wadahadaladda ayaa ku saabsanaa dardargelinta taageeradda Washington ee la dagaalanka ururka Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM