Xasan Sheekh Maxamuud oo mar kale u socdaalay Eritrea

Image
Waa waddankii afaraad uu u safro tobbankii maalmood ee lasoo dhaafay, sidda ay muujineyso qiimeytii ugu dambeysay.

MOGADISHU, Soomaaliya - Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa u socdaalay Eritrea. Dhigiisa Isaias Afwerki ayuu kala hadlayaa arrimo ay kamid tahay soo celinta askarta Soomaaliya loo tababaray.

"Madaxweynaha ayaa dhigiisa dalka Ereteriya Mudane Asias Afwerki la yeelan doona wada-xaajoodyo ku saabsan kor u qaadidda xiriirka labada dal iyo iskaashiga labada shacab ee walaalaha ah," ayay tiri Villa Soomaaliya.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

Madaxweynaha Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar shaqo ugu amba-baxay dalka Ereteriya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mudnaanta siinaya Ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas iyo kor u qaadidda doorka dalalka Gobolku ay ku leeyihiin dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa dhigiisa dalka Ereteriya Mudane Asias Afwerki la yeelan doona wada-xaajoodyo ku saabsan kor u qaadidda xiriirka labada dal iyo iskaashiga labada shacab ee walaalaha ah.


Waa socdaalkiisii labaad uu madaxwayne xasan Sheekh Maxamuud Eritrea ku tago tan iyo markii la doortey 15-kii May, 2022. Waana waddankii afaraad uu u safro muddo tobban cisho gudaheeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM