Xasan Sheekh Maxamuud oo si adag u eedeeyay Farmaajo

Image
Madaxwaynihii 8aad mar kalana u sharaxan hogaanka dalka ayaa hadalkan ka sheegay Garowe Online Twitter Space.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in hadii aan la helin doorasho lagu kalsoonaan karo ay taasi meesha ka saari karto guulihii laga gaaray hanaanka dowlad dhisidda waddanka.

"Mudo kororsigu ma lahayn sharciyad kumana imaan wada-ogol balse doorashada haatan soconeysa oo aan sharciyad ku dhisneyn waa waajib in ay hesho wada-ogol loona dhan yahay," ayuu tibaaxay.

Hassan Sheikh Mohamud ayaa sheegay in madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Mohamed Abdullahi Farmaajo uu ka gaabiyay in uu la shaqeeyo guddiyada la-socodka labada gole "taas oo keentay in uu ku guul daraystay qabashada doorashada qof iyo codka".

Soomaaliya ayuu xusay in ay waayi doonto taageeradda beesha caalamka haddii aysan doorashooyinka ku qabsoomin qaab wanaagsan oo aan la ilaalin daahfurnaanta iyo aqbalaadda wada-ogolka ah.

"Waxaa lagu dhacayo wixii qabsadey Afghanistan, Libya, Yemen iyo Itoobiya waxaana arrintaas ay liddi ku ah guulaha muhiimka ah ee illaa haatan laga gaarey dowlad-dhiska Soomaaliya," ayuu hoosta ka xariiqay.

Hadaladan ayuu Xasan oo haatan ah musharax madaxwayne uu ka sheegay madasha aragti-wadaaga warsidaha Garowe Online ku martigeliyey ciwaankiisa maeegga Twitter-ka.

In ka badan 1,000 qof ayaa si toos ah uga qeybgalayey madasha. Ka qeybgaleyaasha waxay isugu jireen siyaasiyin xilal haya, kuwa soo qabtey iyo dadwayne caadi ah. Dhamaan waa dhageysteyaasha. Si siman ayaana su'aalaha loo qabiyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo Meel-mariyey Wax-ka-beddelka Dastuurka xilli ay jirto Diidamo xooggan

Diidmadan ka timid Gollaa Mustaqbalka Soomaaliyeed, ayaa kusoo aadaysa xilli ay socdaan baaqyo ku aaddan in la ilaaliyo midnimada.

  • Soomaliya

    04-03-2026

  • 01:57PM

Mas’uuliyiin iyo Xildhibaanno lagu jirdilay, laguna afduubey Muqdisho 

Puntland waxay dusha u saartay mas'uuliyadda wixii dhibaato ah ee ka dhasha falkaas Dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    04-03-2026

  • 10:50AM