Xasan Sheekh Maxamuud: Soddon sano ayaa daadah nala leeyahay

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in la gaarey "xilligii dalka uu socon lahaa isagoo aan gacanta lahayn".

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay soo gaartey xilligii ay soo afjari lahayd ku tiirsanaanta badan ee kaalmadda caalamiga ah ayna isku filnaan lahayn dhinac walba.

Inkasta oo uu qiray in ay ka dhabeynta arrintaas qaadan doonto waqti badan, Xasan Sheekh oo ka hadlay shirweynaha waxbarashadda Soomaaliya ayaa tibaaxay in horumarinta tacliinta ay fure u noqon doonto riyadaas.

"Caalamka waxaan leenahay caqabadaas oo dhan ayaa ina hortaagan. Laakiin dadka Soomaaliyeed waxaa leeyahay biyo sacabadaada looga dhargaa aan isku-dayno in aan anaga xalisano mushkiladaheena iyo in aan culeyska ka yareeno caalamka," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Sonddon sano ayaa gacanta nala soo haayey oo daadah nala leeyahay. Maanta waxaan joogaa meeshii aan socon lahayn. Laakiin in aan socono waa in aan rabnaa laakiin haddii gacanteena la deeyo hadaan fariisano [xal maaha]".

Dhinaca kale, Xasan Sheekh ayaa faray wasaaradda waxbarashadda in ay diyaariso siyaasad heer qaran ah oo lagu ilaalinayo xuquuqda, karaamadda iyo ixtiraamka macalimiinta "oo aan naga haysan wixii ay mudnaayeen".

Dowladdiisu ayuu ku dhawaaqay in afarta sano ee dastuuriga ah ay xoogga saareyso sidii ay "ukumo ugu dhigi lahayd hanaanka waxbarashadda" maadaama ay tahay "sidda kaliya ee lagu heli karo Soomaaliya horumarsan".

Kordhinta tiradda ardayda ee fursadda u helaysa waxbarashadda ayuu ku tilmaamay tiirka koowaad ee siyaasadda iyo ujeedada tacliinta ee maamulkiisa dib loo doortey 15-kii May ee sanadkii lasoo dhaafay 2022-kii.

Soomaaliya ayaa haatan waxaa hogaamiya madax horey uga soo shaqeysay waxbarashadda sidda madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Wasiirka Tacliinta Sarre, Faaraq Sheekh Cabdulqaadir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM