Xasan Sheekh oo amar bixiyay kadib weerarkii General Gordan

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si xooggan u cambaareeyay "falkan argagixiso".

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay waxa uu Hosbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyada Saraakiisha Imaaraadka ee shalay galab ku dhawaacmay falka ka dhacay Xerada Janaraal Goordan.

Sidda ay ku warantay Madaxtooyadda Soomaaliya oo war-saxaafadeed faafisay, Xasan Sheekh ayaa waxa uu tacsi u diray dowladda iyo shacabka Isutaga Imaaraatka Carabta. 

"Innaa lilaahi wa innaa ileeyhi raajicuun. Dawladda iyo Shacabka aan walalaha nahay ee Imaaraadka Carabta waxaan uga tacsiyeynaynaa saraakiisha ku naf waayey weerarka argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Muqdisho, Saraakiishaas oo u yimid dalkeenna in ay ka qeyb-qaataan dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed," ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa si adag u cambaareeyey falkan galaaftay nolasha Saraakiishan wakhtigooda u hibeeyey dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo faray Laamaha Amniga in ay baaritaan ku sameeyaan dhacdadan.

"Dawladda iyo Shacabka walaalaha ah ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta waxaan uga mahadcelinaynaa garab istaagga joogtada ah ee dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya, annagoo xasuusnaa doonnaa doorka ay ku garab taagnaayeen dalkeena xiligan adag," ayuu raaciyay.

Dhanka kale, Xasan Sheekh oo qoraal kooban lasoo dhigay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa waxa uu ku sheegay in saraakiishan la dilay ay dalka u yimaadeen inay ka qeyb-qaateen dib-u-dhiska dalka.

"Waxaan sida ugu adag u cambaaraynaynaa falkan foosha xun ee galaaftay nolasha Saraakiishan wakhtigooda iyo naftooda u huray xoreynta dalkeena iyo dib udhiska ciidamadeena, anigoo faraya Laamaha Amniga in ay baaritaan degdeg ah ay ku  sameeyaan, waxaana balan qaadaynaa In talaabo adag laga qaadi doono cidkasta oo soo abaabushay falkaan guracan," ayuu tibaaxay.

Weerarkan ayaa galaaftay nolosha saddex sarkaal u dhalatay Imaaraadka iyo mid kasoo jeeda Baxreyn, halka ay ku dhaawacmeen tobanaan kale kuwaasoo isugu jira Soomaali iyo ajaaniib qaarkood ay kasoo jeedaan wadamadda dariska gaar ahaan waddanka Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM