Xasan Sheekh oo bogaadiyay doorka Eritrea ee dib u dhiska ciidamada Soomaaliya

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa todobaadkan soo gabagabeeyay socdaal uu ku joogay Eritrea.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta oo Talaado ah dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib booqasho laba maalmood qaadatay oo uu ku joogay dalka Eritrea.

Intii uu ku sugnaa dalka Eritera waxa uu la kulmay askar ka tirsan ciidamada cirka Soomaaliya oo lagu tababaro ciidamada cirka ee Eritrea.

Sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Eritrea Yemane Meskel, Madaxweyne Isaias Afwerki iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimaha kale ee labada dal dan u ah.

Meskel waxa uu sheegay in Madaxweyne Maxamuud uu bogaadiyay doorka dhex-dhexaadka ah ee Ereteriya ay ka geysanayso dib u dhiska ciidanka qaranka Soomaaliya, taasoo qayb ka ah garab istaagga ay la leedahay dadka iyo dalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM