Xasan Sheekh oo bogaadiyay doorka Eritrea ee dib u dhiska ciidamada Soomaaliya

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa todobaadkan soo gabagabeeyay socdaal uu ku joogay Eritrea.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta oo Talaado ah dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib booqasho laba maalmood qaadatay oo uu ku joogay dalka Eritrea.

Intii uu ku sugnaa dalka Eritera waxa uu la kulmay askar ka tirsan ciidamada cirka Soomaaliya oo lagu tababaro ciidamada cirka ee Eritrea.

Sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Eritrea Yemane Meskel, Madaxweyne Isaias Afwerki iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimaha kale ee labada dal dan u ah.

Meskel waxa uu sheegay in Madaxweyne Maxamuud uu bogaadiyay doorka dhex-dhexaadka ah ee Ereteriya ay ka geysanayso dib u dhiska ciidanka qaranka Soomaaliya, taasoo qayb ka ah garab istaagga ay la leedahay dadka iyo dalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay waqooyi-galbeed Nigeria, lana beegsaday maleeshiyaad la xiriira Daacish

Sida ay sheegeen ilo militari oo Mareykan ah, weerarka waxaa loo adeegsaday gantaallo…

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 12:06PM

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM