Xasan Sheekh oo codsi u diray Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed

Image
Kulan gaar ah oo uu la yeeshay mas'uuliyiintan ayuu dardaaran ka jeediyey madaxweynaha Soomaaliya.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey kulan gaar ah oo ay yeesheen Golaha Wasiirrada Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed.

Sidda ay sheegtay Villa Soomaaliya, kulankan ayaa waxaa lagaga arrinsaday dib u heshiisiinta iyo xoreynta deegaannada ay argagixisadu ku dhibaateynayaan dadka Soomaaliyeed.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo uu wehelinayo Madaxweynaha Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa Golaha Wasiirrada la wadaagay qorsheyaasha dowladda Federaalka ee dardar galinta wejiga labaad ee howgalka dib u xoraynta dalka oo qorshuhu yahay in waqti kooban lagu soo gabagabeeyo," aayy raacisay.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay masuuliyiinta ka qeyb galay shirkan in ay qaataan masuuliyadda ka saran adkeynta xoraynta deegaanka iyo Ilaalinta wadajirka shacabka si loo helo Koonfur-galbeed xasilloon, heshiis ah, isla markaana xor ka ah ficillada gurracan ee Khawaarijta".

"Kulankan waxaa ka qayb galay xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, agaasimaha guud ee Madaxtooyada Qaranka iyo Mas’uuliyiin kale," ayaa lagu soo xiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM