Xasan Sheekh oo cudurdaar ka bixiyey xiritaanka jidadka Muqdisho

Image
Madaxweynaha ayaa talaabadan ku difaacay "duruuf ay sababtay xaaladaha amni ee laga bixi doono".

MUQDISHO, Soomaaliya -  Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa cudurdaar ka bixiyey xiritaanka waddooyinka Muqdisho - labadii maalmood lasoo dhaafay, sidda ay faafisay Madaxtooyadda Soomaaliya.

Sidda laga soo xigtey qoraalka Villa Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa xiritaanka ku qeexay "duruuf ay sababtay xaaladaha amni oo lagaga bixi doono dhammeystirka xoreynta deegaannada ay dalka kaga harsan yihiin argagixisada Alshabaab".

Waddooyinka Muqdisho ayaa laba maalmood loo xiray sababo ku aadan soo dhaweynta madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle kaasoo mar uu la hadlayay baarlamaanka raaligelin noocaan ah bixiyey.

Dhanka kale, Xasan Sheekh waxa uu baaq kasoo saarey xaaladda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, isaga oo ku tartarsiiyey Somaliland in ay dadkaas kula macaamisho "xal aan xabad ahayn".

HOOS KA AHRISO BAYAANKA MADAXTOOYADDA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan dhibaatada ka taagan magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool iyo amniga caasimadda.

Madaxweynaha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo dhammaan ehelada ay ka geeriyoodeen dadkii birmo-geydada ahaa ee ku dhintay bannaan-baxyada ka dhacay magaalada Laascaanood, waxa uuna xusay in dadka Soomaaliyeed ay dhibaatooyin badan soo mareen, maantana aysan mudneyn in dib loogu celiyo dhibaatooyinkaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay Soomaaliland inxal aan xabbad ahayn ay ku wajahdo xaaaladda reer Laascaanood, isagoo sheegay in dowladda Federaalka ah ay mudnaan weyn siinayso xasilloonida, nabadda, adkeynta walaalnimada iyo wada-noolashaha dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah bulshada Caasimadda Muqdisho ugu adkeeyey in ay la shaqeeyaan ciidanka oo u heellan fashilinta dhagarta argagixisada, isagoo muujiyey sida uu uga xun yahay jidadka la xiray muddadii uu martida u ahaa dalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, taas oo uu ku tilmaamay duruuf ay sababtay xaaladaha amni oo lagaga bixi doono dhammeystirka xoreynta deegaannada ay dalka kaga harsan yihiin argagixisada Alshabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM