Xasan Sheekh oo culimada kala hadlay "dagaalka istaagay" ee AS

Image
Kulankan ayaa Jimcihii waxa uu ka qabsoomay xarunta Madaxtooyadda Qaranka ee Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay waxa uu Madaxtooyada Qaranka kulan wadatshi ah kula qaatay qeyb kamid ah culimada Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh ayaa culimada uga warbixiyey mudnaanta uu siinayo in dalka laga xoreeyo argagixisada, xoojinta midnimada iyo xal u helidda caqabadaha dib u dhigay dalkeenna.

Culimada Soomaaliyeed ayuu ku bogaadiyey "sida ay uga go’an tahay muujinta been abuurka ka dhanka ah diinteenna suubban ee Islaamka oo argagixisadu ay ku xalaashadeen dhiigga dadkeenna, waxa uuna xusay doorka taariikhiga ah ee culimada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin toosinta dowladnimada iyo difaaca dalka".

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dagaalka socda ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada ay laf-dhabar u yihiin culimada Soomaaliyeed oo ah dhaxal-dhowreyaasha diinteenna suubban, waxa uuna la wadaagay sida ay muhiimka u tahay in ay cilmigooda iyo codkoodaba ku garab istaagaan halganka wadajirka ah ee ay wadaan Ciidamada Qalabka Sida iyo dadka degaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu.

Dhankooda, culimada ayaa la wadaagay Madaxweynaha talooyin ku aaddan dowlad dhiska, horumarinta dalka iyo la dagaallanka fikirka xagjirnimada ah, iyaga oo soo bandhigay sida ay u garab taagan yihiin dadaallada dowladda.

Kulanka waxaa ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta xukuumadda federaalka Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali iyo mas’uuliyiinta hay’adda culimada Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM